Milicsiga Wargeyska: Madaxweyne Siilaanyo Tallaa La Gudboon

50
1479

 

untitledMarka si guud loo eego dhawaaqa dawladda Ingiriisku ay muwaadiniinteeda ugaga digtay inay safar ku yimaadaan Somaliland waa mid walaaciisa leh oo mudan in wax la iska weydiiyo. Markase dhinac kale laga eego maaha mawduuc ay tahay in lagu mashquulo in ka badan inta uu mudan yahay, maadaama oo ay warbixintani tahay mid ku kooban qiimaynta xaaladda dhow oo saddexdii biloodba mar dib loogu noqdo, taas oo haddii dedaal mug leh oo diblumaasi ah la sameeyana dawladda Ingiriis loogu qancin karo inay dib u qiimayn ku sameeyaan go’aankooda.

Arrimahase u baahan inay reer Somaliland iyo xukuumadooduba isku mashquliyaan waa sidii loo awdi lahaa gal-daloolooyinka dhexdooda ka taagan. Laakiin maaha sidii looga jawaabi lahaa mawqifka cusub ee dawladda Ingiriiska, waayo go’aankan dawladda Ingiriisku wuxuu ka turjumayaa xog ay heleen oo la xidhiidha ammaanka Somaliland, waxaana iyaga u daran dhowrista nabadgelyada muwaadinkooda, taas oo ay ku filan tahay in la tuso tallaabooyin  wax lagaga qabtay dareennadii ay arkeen, si ay u sameyn karaan dib u eegis.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah hoggaamiye ay shacabka Somaliland kalsooni mug leh siiyeen wakhtigii uu la tartamay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, waxa la gudboon inuu qaado talaabooyin cad cad oo muujinaya sida uu diyaarka ugu yahay  inuu si toos ah uga jawaabo dareenka uu Ingiriisku muujiyay, si loogu arko hoggaamiye u darban sixitaanka dhaliilihiisa tirada badan ee loo soo bandhigay.

Marka u horaysa waxa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo la gudboon inuu ka shaqeeyo isku duubnimada iyo xoojinta wada jirka shacabkiisa oo la ogyahay inay si weyn ugu kala qaysameen doorashadii goleyaasha deegaanka. Madaxweynaha waxa looga fadhiyaa inuu samaysto qorshayaal uu ku dabiibayo cudurka kala qaybiyey bulshadiisa.

Sidoo kale, waxa madaxweynaha looga fadhiyaa inuu dhiso xukuumad tayo leh oo si firfricoon uga qayb qaadan karta qorshayaasha lagaga daba tagayo digniinta dawladda Ingiriiska.  Meelaha uu Madaxweynuhu u baahanyahay inuu dib u eego waxa ka mid ah; siyaasadiisa dibadda oo uu in badan iska dhego mariyay dhawaaqyada dhiillada leh ee ay hal-doorka bulshadu ka bixiyeen. 

Marka laga tago Siyaasadda dibadda ee Somaliland oo si cad loo arko dheel-dheeligeeda badan, waxaa madaxweynaha la gudboon in uu qaato kaalintii hoggaamiyenimo ee maanta oo kale looga baahnaa, maadaama oo aynu nahay dal qarannimadiisu aanay aqoonsi ka haysan bulshada caalamka kuma habboona in ka hadalka arrintan ee gudaha iyo dibadba uu ku halleeyo wasiirro marka horeba waayo aragnimadooda hadal ka taagnaa, oo sida dhacdayba qaarkood la dar jiidheenn jawaabta, iskuna qaldaan ereyada aynu dhexdeenna isugu hal-celinno iyo kuwa ku qummaan diblumasiyad caalamiya. Madaxweynaha waxaa la gudboon inuu la hadlo Shacabka Somaliland iyo dawladda Ingiriiska oo dhaliishay amniga Somaliland.

Shacabka Somaliland, waxa iyagana looga fadhiyaa inay muujiyaan midnimo iyo wada jir oo ah arrimaha ay kaga soo gudbeen marxalado badan oo ka adkaa xaaladda ay Somaliland wakhtigan marayso. Waa inay Madaxweynaha ku garab istaagaan tallaabooyinka uu ku saxayo danta qaranka.

Comments are closed.