Warkii Ugu Fiicnaa Ee Qof Buurani Maqlo: Baruurta Da’da Dhexe Waxay Ka Hortagtaa Cudurka Maskaxda Ee Dementia

0
597

London (Geeska)- Cilmibaadhis fajaciso dad badan ku noqotay oo dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfurtay in dadka marka yak u jiraan da’da dhexe aadka u buurani ay inta badan ka badbaadaan khatarta cudurka xusuusta maskaxda dilka ee Dementia .

Daraasad uu Geeska Afrika soo turjumay oo lagu baahiyey Joornaalka Lancet ee ka faallooda cudurka Macaanka iyo xanuunnada qanjaha ku dhaca oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in baadhis lagu sameeyey 2 Milyan oo qof lagu ogaaday in dadka miisaankoodu sarreeyaa ay boqolkiiba 34 cudurkan uga dhow yihiin dadka la mid ah ee miisaankoodu inta caadiga ah yahay, iyo arrinta kale ee xiisaha leh oo ah in dadka buurani ay oqolkiiba 29 ka illowshiyo yar yihiin, ka dawakhaad iyo jaahwareer yar yihiin kana miyir badan yihiin kuwa la midka ah ee miisaankoodu caadiga yahay.

Tijaabo lagu sameeyey dad ku jira da’da dhexe  oo ah inta u dhaxaysa Afartanaadka illaa bilowga Lixdamaadka qofka ayaa la ogaaday in dadka buuran uu ku yar yahay cudurkan Dementia, balse taas macnaheedu aanu ahayn in ay ka baxayaan khatarta kale ee hore loo ogaa in ay buruurtu ku keento guud ahaan caafimaadka qofka. Taas oo ay ka mid yihiin wadne xanuunka iyo dhiig furanka maskaxdu. Cudurka Dementia oo da’ iyo xanuun ahaanba ku yimaaddaa waxa uu ku bilowdaa in uu xasuusta qofka dilo, waxase uu aakhirka keenaa khalkhal iyo waalli.