Falanqaynta Saamaynta Ay Is Casilaadda Dabarka Goosatay Ku Yeelanayso Madaxweyne Siilaanyo, Mustaqbalka Xisbiga KULMIYE Iyo Shaqada Qaranka

0
695

Picture7Hargeysa(Geeska)-Toddobaadkan waxa iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tiro 12 wasiir ah oo isugu jira wasiir iyo wasiir-xigeeno iyo weliba agaasime guud iyo afhayeenkii Madaxweynaha. waxaana wasiiradan ku jira wasiiro muddo dheer ahaa gacanta midig ee Madaxweyne Siilaanyo.

Waxay noqotay markii u horaysay ee tiro intan leegi ay iska casilaan xukuumad talada haysa, waxaanay wasiiradani ka soo kala jeedaan deegaano kala duwan. Is casilaadda wasiiraddani waxa ay saamayn ku yeelatay habsami u socodka hawlmaalmeedka dawladnimo ee maalinlaha ah iyadoo gebi ahaanba ay dawladda iyo shacabku ku mashquuleen is casilaadooda.

Saamaynta Madaxweyne Siilaanyo:  Waa marka koowaad’e is casilaadda wasiiradani waxay saamayn toos ah ku yeelatay Madaxweyne Siilaanyo,  iyadoo culayska ay ku keeneen laga dareemay jawaabta degdegga ah ee  madaxweyne Siilaanyo si aan looga baran uu laba saacadood wax ka  yar gudahooda warbaahinta soo fadhiistay kana hadlay is casiladda xukuumadiisa ku habsatay, isagoo wax ka yar 24 saacadoodna buuxiyay jagooyinkii ay baneeyeen.

Is-casilaad wadareedkan wasiirrada tiradaas lihi ay toddobaad gudihii kaga baxeen golaha xukuumaddu  waxa ay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa ku keenaysaa dhaawac iyo hoos u dhac sumcadeed. Tusaale ahaan maadaama oo wasiirrada iscasilay ay joogeen wasaarado muhiim u ah qaranka oo shaqo xaami ahi ka socoto, isla markaana ay ahaayeen raggii faylasha shaqo ee wasaaradahan soo hayey sannadihii madaxweynuhu xilka hayey, waxa ay hoos u dhac iyo dhaawac ku keenaysaa shaqadii socotay, oo ugu yaraan masuul kasta oo uga dambeeya ay ku adkaanayso in uu muddada aadka u gaaban ee cimriga xukuumadda ka hadhay kula jaanqaado sii wadista geeddiga socday.

Aynu magacowno mashaaruuca ballaadhan ee dhismaha waddooyinka ee ay wadaagayeen wasaaradaha hawlaha guud iyo madaxtooyadu, dib u habayntii ka socotay garsooorka ee wasaaradda cadaaladda iyo garsoorku qaybta muhiimka ah ka ahayd, mashruuca shaqo abuurka ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ka socday, arrimaha dibadda oo gacanta ku haysay faylasha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo qorshihii diblumaasiyadda maalgashiga ee uu wasiir Biixi waday, wasaaradda waxbarashada oo gacanta ku haysay dib-habayn  ballaadhan iyo dejin lagu samaynayey  manhajka waxbarashada iyo wasaaradda ciyaaraha oo gacanta ku haysa ciyaaraha gobollada ee wareeggoodii labaad la sugayo, ceebo hore oo badanina la soo derseen. Waxaa iyaduna xusid mudan in wasiirrada qorshaynta iyo duulista laga soo kaxeeyey wasaarado hawlo aad u badani ka socdeen. dhibtana waxaa sii cuslaynaysa nidaamkeenna dawladnimo ee weli curdinka ah oo keena in wasaaraduhu aanay weli u dhisnayn qaab iswadi kara maamul ahaan oo wasiirku uu isagu gacanta ku hayo qorshaynta iyo hawl socodsiinta oo dhan.

Marka aynu dhinaca sumcadda eegnana waxa ay is-casilaad wadareedkani madaxweyne Siilaanyo ka dhigtay hoggaamiyihii ugu horreeyey ee rubuc qarnigii ay Somaliland jirtay ay mar keliya kuraasta golihiisa wasiirrada banneeyaan wasiirrada tiradaas iyo culayskaas leh oo ka cabanaya hoggamintiisa.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay xukuumadiisa sugayso laba doorasho oo kala ah doorashada yar ee KULMIYE oo xasaradaba sababtay iyo doorashada guud ee 2017, waxa ay wasiiradan is casilay ku noqon doonaan tumaati dhabarka kaga taala.

KULMIYE: Maadaama oo sababta ay isu casileen masuuliyiintani ay la xidhiidho loollanka murashaxnimo ee k a dhex taagan xisbiga KULMIYE, waxa aan shaki ku jirin inay nabar siyaasadeed u gaysanayso xisbiga KULMIYE oo durba rag hoggaankiisa sare ee weliba shirka hoggamin doonaa ay dhaliilo, garsoor xumo keeni karta ka dhawaajinayaan, waxaa culayska sii badinaya wasiiradan is casilay oo ka soo kala jeeda deegaano kala duwan islamarkaana uu xisbiga KULMIYE ku lahaa codad badan marka doorasho loo dareero.

Ragan is casilay qaarkood ayaa ka mid ahaa raggii xisbiga KULMIYE bilaabay islamarkaana qayb libaax ka qaatay inuu soo gaadho halka uu maanta joogo. Sidaas daraadeed is casilaadda wasiiradani waa kuwo uu KULMIYE mar walba u dhutin doono, waana suurtogal inay sabab u noqdaan in KULMIYE ka si fudud uga siibto salaanka uu hadda saaranyahay.

Iyagu maxay is yeeleen: Culayska ay is casilaadoodu leedahay waxa ka mid ah inay iyaga laftooda dhaawac siyaasadeed u gaysatay, waxaana cad in wixii ay isku casileen ee ahaa damaca kaga jiray hanashada murashaxa xisbiga KULMIYE uu hadda ka sii fogaaday maadaama ay ka dhex baxeen nidaamkii dawladeed ee uu KULMIYE ku fadhiyey oo awood u siinayey in ay xisbiga gudihiisa wax badan iska dhicin karaan. Marka ay sidaas tahayna waxa ka sii durkay kursigii ay u dagaalamayeen, waxaana laga yaabaa in garabkii ay la dagaalamayeen uu si fudud ugu guulaysto murashaxa KULMIYE.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, is casilaadii way dhacday. Madaxweyne Siilaanyo maaha madaxweynihii u horeeyay ee ay wasiiro iska casileen in kasta oo ay tiradu ugub tahay, kii u dambeeyayna ma noqon doono, magacaabista, xil ka qaadista iyo is casilaaduba waa sune weligii soo jiray. Waxase muhiim ah in Madaxweyne Siilaanyo muujiyo hoggaamiyenimo oo jawaabtiisa is casilaadda wasiiradu ku koobnaato hadalka uu bixiyay iyo xilalkooda uu buuxiyey balse uu ka dheeraado ficilo loo arki karo aargoosi siyaasadeed oo aan marna faa’iido u keenin isaga iyo xisbiga midna. isla markaana waxaa muhiim ah in uu madaxweynuhu si hufan oo daahfuran dadka oo dhamina arki karaan ugu gacan yeesha hawlaha doorashada ee xisbiga gudihiisa, bulshadana u dhabeeya dhex-dhexaadnimada uu ku celceliyey. Wasiirada is casilayna waxa waajib ku ah inay wax walba ka horumariyaan danta guud ee qaranka oo ay is casilaadu iyaga ku koobnaato, taas oo uu macnaheedu yahay inaanay culaysyo ku saarin inay masuuliyiin kale is casilaan taas oo haddii ay sii wadaan abuuri karta in dowladnimadu ay wiiqnto.

Xisbiga KULMIYE iyo murashax kasta oo lagu doorto shirka golaha dhexe, waxa sugaya jid adag oo qodxo badani yaallaan, waxaana laga doonayaa cidda soo baxdaa inay ka gudubto iyadoo nadiif ah. Khilaafkani maaha kii u horeeyay ee KULMIYE ku habsada, waxaana la xasuusan yahay khilaafkii ka dhashay shirkii sannadkii 2008 murashaxa Madaxweyne loogu doortay Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu wakhigaas ku guntaday in khilaafkaasi aanu midnimadii xisbiga dhaawicin waanu ku guulaystay. Cidda uu xisbiga KULMIYE dooran doonana waxa looga fadhiyaa talaabooyin odaytinimo oo ay ku kasbanayaan cid kasta oo hawlaha hadda socdaa fogeeyaan.