Wariye Ciyaartii Real Madrid Soo Tebinayey Oo La Eryey Kadib Markii Isaga Oo Hawada Toos Ugu jira Uu Khuuriyey

0
562

Beijing (Geeska)- Maamulka Talefishanka LeTV ee dalka China ayaa go’aansaday in shaqada laga eryo Lu Dong oo ahaa wariye si toos ah ciyaaraha hawada uga soo tebiya.

Lu Dung ayaa la eryey kadib markii inta ay hurdo ka awood badatay uu seexday xilli uu ku gudo jiray faallaynta dhacdooyinkii ku lammaanaa ciyaartii dhowaan dhex martay Real Madrid iyo Paris San Jerman ee ka mid ahayd wareeggii afaraad ee ciyaaraha horyaallada Yurub. Tacab badan iyo soo jeed saacado badan ahaa oo dadka qaar ay ku tilmaameen in ay ciyaaraha qudhoodu ku keeneen, gaar ahaan ciyaartan u dambaysay oo dhacaysay waaberiga hortii waqtiga magaalada Beijing ee caasimadda dalka China.

Dhammaadkii ciyaarta oo meel xasaasi ah maraysa waqtigeedana Labaatan daqiiqo oo keliyi ka hadheen ayaa mar keliya dadkii daawanayey talefishanka Le TV ay ku war heleen wariye Lu Dung oo inta uu hadalkii joojiyey khuurinaya.

Arrintan ayaa la aaminsan yahay in ay sumcad xumo badan u soo jiidday talefishanka, dad badanina ereyo xaqiraad ah ku cabbireen dhacdadan.

Arrintan waxaa si aad ah uga cadhooday maamulka sare ee Talefishanka Le Tv oo markiiba soo saaray go’aankan a yshaqada kaga eryeen wariyahan. Wariye  Lu Dung oo eriga kadib hadlayna si aad ah ayaa uu daawadayaasha uga cudur daartay arrintan, waxa aanu ballan qaaday in uu sii wadi doono shaqadiisa dunida warbaahinta, laakiin muddo gaaban uu joojin doono shaqadan uu ahayd soo tebinta tooska ah ee ciyaaraha.