Dabeecadda Abuurka Ah Ee Aadamaha Ayaa Ah In La Is Khilaafo, Laakiin Sirtu Waa Hadba Sida Loo Xakameeyo

0
678

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay, waa qodobbo xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu ay sheegeen in ay inta badan sababaan is khilaafka dadka, iyo sida ugu habboon ee la isaga dhowri karo:

7. Xaalad didmo ah:

Waxaa jira dadka qaar jawaab waxa ay diiddan yihiin uga dareen celiya qaab cadho iyo cunfi badani ka muuqdo. Waa shakhsiyad didsan oo cabsi nafsiyadeed oo badan qabta. Sida ay khubarada ciliminafsigu sheegeen qof kastaa waxa uu aaminsan yahay ama shucuurta uurkiisa ku jirta ayaa uu wax ku xukumaa ama ku arkaa xaaladda hadba jirta, taasi waxa ay keentaa in qofku uu jawaab aan laga filayn oo cadho iyo qallafsanaani ku jirto kaga jawaabo arrimo qofka iska caadiga ahi aanu dhib u arkeen. Marka cadhadu dhammaato ee u uqofku dego ayaa uu rumaystaa in faham qaldan uu ka qaatay wixii loo sheegayey ama ereyadii lagu yidhi ee uu sida qallafsan uga jawaabay.

Qofka shakhsiyaddan oo kale isku arka waxaa u fiican in uu marka qof uu wax hore ka aaminsanaa arrin ula yimaaddo ama duruuf uu kula kulmo aanu ku degdegin jawaabta ee uu ka fiirsado kuna dadaalo in uu caadifadda iska ilaaliyo. Waxaa iyaduna muhiim ah in qofka aynu la hadlayno haddii aynu kala kulanno jawaabtan oo kale aynaan ka shaqayn in dabka ay baatrool ku sii shubno, balse ay fiican tahay in aynu qofka dejinno una sheegno in uu si deggen arrinkaas uga soo fikiro ama iska saaro waxa hore ee uu fahamsan yahay.

Gunaanad:

Maadaama oo sida qoraalkan ku cad ay khubaradu xaqiijiyeen in dabeecadda abuurka ah ee aadamuhu ay kala duwan tahay, isla markaana ay marar badan dhacayso in ay aragtida ku kala duwanaadaan iyo in hab-dhaqankoodu noqdo mid qallafsanaan, dabac iyo kulayl badan iyo qabow iyo wixii la mid ah lagu yaqaanno. Sean McPheat oo ah khabiirka leh qoraalkan uu Geeska Afrika turjumay waxa uu ku soo gabagabaynayaa talo muhiim ah oo uu aaminsan yahay in ay wax weyn ka qabanayso xakamaynta khilaafka iyo isfahamka labada ruux, gaar ahaan marka ay yihiin maamule iyo shaqaalihiisa.

“Maamulayaal ahaan waa in aynu marka horeba kala dooranno labada go’aan ee ah in aynu iska indho marinno hab-dhaqanka iyo anshaxa qofka aynu la macaamilayno  ama in aynu ku dadaalno sidii aynu gacan uga geysan lahayn sidii qofkani uu isaga deyn lahaa dabeecadaha qallafsan ulana iman lahaa hab-dhaqan tolmoon oo bulshada aan ka faquuqin. “Marka koowaad ku dadaal in aad adigu fahanto, kadibna in adigana markaaga lagu fahmo” Stephen Covey, ayaa sidaas yidhi. Dhammaad