Warbixinta Loo Gudbiyay Golaha Aammaanka Oo Lagu Qaadaa Dhigay Dhibaatada Kala Haysata Xukuumadda Somaliland Iyo Saxaafadda Dalka

0
547

Picture8Hargeysa(Geeska)-Warbixintii loo gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee ay diyaariyeen guddiga daba-galka cunaqabaynta hubka Somaliya, ayaa qaybo ka mid ah warbixintooda waxay kaga hadleen dhibaatooyinka iyo xadhiga ay dawlada Somaliland kula kacdo saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland.

Qaybo ka mid ah warbixintaas loo gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay waxa ay guddigu si weyn ugu soo bandhigeen saxafiyiinta Somaliland lagu xidhay sannadkii 2012 iyo horaanta sannadkan 2013. Waxaana saxafiyiinta ay warbixintu magacyadooda muujisay ka mid ah tifaftirayaal, guddoomiyayaal warbaahineed iyo weriyayaal, kuwaas oo sababta keliya ee lagu haystay ay ahayd warar ay baahiyeen oo ay masuuliyiinta dawladdu ka cadhoodeen, waxaana warbixinta guddiga qaybta saxaafadda Somaliland khusaysa oo aanu idin soo turjunay tahay sidan:

September 2012

13 September, degmada Borama ee gobalka Awdal, ciidamada Boolisku waxay xidheen laba saxafi oo u shaqeeya telefishanada Bulsho iyo Somalisat.

22 September, degmada Saylac, ee gobalka Selel cidamada Boolisku waxay ku xidheen weriye u shaqaynayay telefishanka Qaranka, lamana garanayo sababta xadhigiisa keentay.

30 September, magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ciidamada Boolisku waxay xidheen tifaftiraha Wargeyska Saxafi, oo ah maalinle ka soo baxa Hargeysa. Sababta xadhigiisa waxa lagu xidhiidhiyay ka dib markii uu Wargeysku baahiyay saraakiil sirdoon ajaanib ah oo safar ku yimid Somaliland.

November 2012

17 November, degmada Lascanod ee gobalka sool, cidamada Boolisku waxay xidheen weriye u shaqaynayay idaacad la yidhaahdo Barkulan. Waxaanay wararku sheegeen inuu amarka xadhiga bixiyay badhasaabka sool.

December 2012

14 December 2010, Tifaftiraha guud ee Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa looga yeedhay xarunta ciidanka dambi baadhista ee CID. Waxaana lagu xabisay halkaas ka dib markii ay waaranka soo saartay maxkamadda gobalka Hargeysa. Xadhiga ayaa lagu xidhiidhiyay ka dib markii uu Wargeysku baahiyay kulan ay soo qaban qaabiyeen hay’adda xuquuqal insaanka madaxabanaan taas oo lagu xusayay maalintii xuquuqal insaanka ee 2012. Sida ay warbixintu sheegtay, Guddoomiyaha Xuquuqal insaanka ayaa halkaas kaga hadlay musuqmaasuq aan xad lahayn oo  uu ku xidhiidhiyay dawladda Somaliland iyo wiil uu Madaxweynaha Somaliland soddog u yahay.

10 February 2013,

Degmada Gabiley, ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku xidhay weriye u shaqaynayay Wargeyska Waaheen, oo ku sugnaa Wajaale.

21 February 2013, Booliska Borama ayaa xidhay telefishanka Rayo TV, ka dib markii uu telefishanku baahiyay mudaharaad ka dhan ah dawladda oo dhacay maalin ka hor.

24 February, Ciidamada Booliska ayaa magaalada Berbera ku xidhay weriye u shaqaynayay wargeyska Waaheen, iyadoo uu xadhigiisa amray maareeyaha dekedda Berbera. Sababta xadhigiisana lama garanayo.

22 March, 2013, ciidanka Booliska Oodweyne ayaa xidhay weriye u shaqaynayay telefishanka Somali Channel, lamana garanayo sababta xadhigiisa, laakiin Boliska ayaa xoogay ka dib sii daayay saxafigaas.

28 March 2013, Ciidanka Booliska Borama ayaa gurigiisa ku xidhay weriye u shaqaynayay telefishanka Somali Channel. Waxaana sababta xadhigiisa lagu xidhiidhiyay ka dib markii uu saxafigu baahiyay dareeno ka dhex jiray golaha deegaanka Borama iyo mooshin ay koox xidlhibaani ahi soo gudbiyeen si ay maayarka xilka uga qaadaan.

April 2013

8 April 2013, Booliska Berbera ayaa xidhay weriye Yaasiin Jaamac oo ah saxafi u shaqeeye telefishanka Universal oo sidoo kalena wax ku qora shabakadda wararka ee Hadhwanaag News. Bolisku may sheegin wax sabab ah oo xadhigiisa keentay, waxase lagu xidhiidhiyay warar uu saxafigu ka diyaariyay mudaharaado ka dhacay Berbera oo lagaga soo horjeeday shirkadaha shidaal baadhista.

13 April, 2013, maxkamadda gobalka Maroodijeex, ayaa ku xukuntay qoraaga magaciisu yahay Jaamac Jiir aflagaado dawladda Somaliland ka dhan ah. Waxaana lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 600, 000 oo lacagta Somaliland ah.

Kala soco Geeska Afrika, qaybaha kale ee warbixintan ee khuseeya Somaliland.