Oday Guursaday Gabadh Ka Yar 72 Sannadood

0
805

 

Picture1Baqdaad (Geeska)- Oday u dhashay dalka Ciraaq oo ay da’diisu tahay Laba iyo Sagaashan sano ayaa toddobaadkan guursaday gashaanti ka da’ yar 72 sano, waxaana xafladda arooska ee lammaanahan ka soo qayb galay 18 carruur ah oo uu odayga arooska ahi dhalay iyo Saddex boqol iyo Labaatan iyo Shan carruur ah oo ay ubadka ay carruurtiisu sii dhaleen ee uu awoowga u yahay.

Farqiga dhinaca da’da ee u dhexeeya lammaanahan ayaa dood iyo muran badan ka dhex dhalisay dalka Ciraaq. Waxa aanu warku intaas ku darayaa in gabadha da’deedu ay tahay 22 sano oo keliya, waxaase xiise gaar ah lahaa in xafladda arrooskan lagu soo beegay arooska laba ka mid ah wiilasha uu dhalay odaygan. Gabadha aroosadda ah oo ay dad badani u bilowgii u fahmeen in odaygan ay qoyskoodu ku qasbeen ayaa  mar ay warbaahinta la hadashay caddaysay in ay si aad ah uga heshay odaygan oo ay iyadu raadisay muddo. Iyada oo meesha ka saaraysa in ay jiraan ujeedooyin uun kale oo ay gabadhani ku raacday saygan ku dhowaad hal qarni ka da’ weyn waxa aanay si kooban ugu jawaabtay in ay iyadu xulatay oo ay u aragto in uu yahay nin buuxin kara shuruudihii ay ku xidhaysay guurka, “Sawirka arooska oo aan arkay, keliya ayaa igu beeray shucuur xiisaynaysa in aan xidhiidh jacayl la abuura odaygan”