Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Faysal Cali Waraabe Oo La Sheegay Inay Iska Saamaxeen Utunihii Siyaasadeed

1
662

Picture7Hargeysa(Geeska)-Labada guddoomiye xisbi mucaarad ee Wadani iyo UCID Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa iska calool xaadhay khilaafkii siyaasadeed ee ka dhexeeyay, kaas oo sabab u noqday inay labada xisbi ku kala baydhaan mucaaradadii ay ku waajihi lahaayeen xukuumadda.

 

Isa saamaxaadda labad hoggaamiye xisbi ayaa ka dhalatay wada hadalo ay bilaabeen laba guddi oo labada dhinac ka kala socotay, waxaana la sheegay in labada guddoomiye xisbi la isugu keenay munaasibad afur iyo casho isugu jirtay oo laba maalmood ka hor ku qabsoontay Hargeysa. Waxaanay wararka uu Geeska Afrika helay xaqiijiyeen inay labada guddoomiye si kal iyo laab ah isu qaabileen isuna samaaxeen. Sida ay wararku sheegayaan waxa la filayaa inay Wadani iyo UCID soo saaraan toddobaadkan warsaxaafadeedkii u horeeyay ee ay wada jir u soo saaraan, lamase garanayo inay kaga hadli doonaan xaaladda dalka iyo inay kaga warami doonaan isfahamka u bilaabmay.

Faysal iyo Cirro, ayaa waxa khilaafkooda ka hor ka dhaxeeyay xidhiidh saaxiibtinimo oo qoto dheer, waxaanay wada aasaaseen xisbiga UCID, waxase ay aakhirkii isku seegeen hoggaaminta UCID. Si kastaba ha ahaate waxa ay labadii saaxiib maanta isu soo noqdeen iyagoo kala hoggaaminaya laba xisbi oo mucaarad ah, waxaanu rayul caamku u dheg taagayaa waxyaabaha ay midnimadoodu ku soo kordhiso xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka.

Comments are closed.