Warbixin Soo Bandhigtay Fursadaha Maalgashi Ee Somaliland Ka Banaan

0
859

 

inves-1811Hargeysa Geeska/Newstime Afrika) “Iyadoo Soomaaliya bilaabayso ka soo noqoshada halaagii iyo xasilooni-daradii, dhinaca kale Somaliland oo labaatankii sannadood ee u danbeeyey xasilooni iyo horumar ku jirtay ayaa bilaabaya inay bishii November galaan heshiiskii ugu horeeyey ilaa markii ay ka go’een Soomaaliya sannadkii 1991-kii. “ ayaa lagu bilaabay maqaal shalay lagu daabacay wargeyska Newstime Afrika.

 

Shirkad ay wadaagaan Ingiriiska iyo Turki, Genel Energy ayaa liisankii ugu horeeyey ee sahamin shidaal iyo gaas la gashay xukuumada Somaliland, isla markaana ballanqaaday inay dhaqaale gaadhaya $40 million (R352m) u isticmaalayaan hawlahaa.

Warsaxaafadeed shirkada Genel ugu sheegaty (IPS), ayaa u dhignaa,“Somaliland waxa ka jira fursado shidaal soo-jidasho leh, waxaan rajeynaynaa inaan hawlo ka bilowno dalkaa.”

Shirkadan ayaa noqotay maalgashiyahii ajaanib ugu horeeyey ee dhaqaale intaa le’eg geliya shidaalka dalkaa, ka dib markii baadhitaanadii ugu horeeyey muujiyeen raadad shidaal, sida qoraalka Genel lagu sheegay. Genel Energy, oo madax u yahay gudoomiyahii hore BP,  Tony Hayward, aya ala filayaa inay hawshooda bilaabaan bishan.

Isha dhaqaale ugu weyn dalkan ayaa ahaa xoolaha nool, ayaa ganacsiga xoolahu ka soo baxaa boqolkiiba 65 dhaqaalaha Somaliland, sida Wasiirka Qorsheynta, Dr, Sacad Cali Shire sheegay.

Miisaaniyad kooban oo gaadhaysa $120m, xukuumada Somaliland ayaa wakhtigan bilaabaysa helitaanka maalgashi dibedeed oo si weyn ugu baahnayd inay caawiso horumarkooda.

Somaliland ayaa caqabad ka haysataa aqoonsi caalami la’aanta, iskana hortaagtay horumarka dhaqaale ay higsanayso. Dalkan ayaan sidoo kale ka heli Karin taagereo dhaqaale Hay’ada lacagaha aduunka iyo Baanka aduunka.

Si kasta, sannadkii 2012, ganacsiga gaarka ee Somaliland ayaa horumar bilaabay caqabado jira xitaa., bilowgii sannadkaa, shirkii maalgashiga Somaliland ugu horeeyey aya alagu qabtay Ingiriiska, si loo helo maalgashi dibedeed, isla markaana maalgashi gaadhaya $17m oo shirkada Coca-Cola ku dhisatay warshad bishii May ay noqotay maalgashigii ugu badnaa ee Somaliland la geliyo ilaa 1991-kii. Maalgashiyaasha ajaanibka ayaa u arka go’aanka Coca Cola ay kaga shaqeynayso dalkaa, mid tilmaamaya xaalada xasiloon ee ganacsiga Somaliland.

Dekedda Berbera ayaa sidoo kale la filayaa inay soo jiidato maalgashedayaal badan sannadaha soo socda. Dekedaa oo wadankii Midowga Soofiyeeti dhisay xilligii dagaalkii qaboobaa, aya wakhtigan ah marinka dhoofka xoolaha, waxay sidoo kale marin u noqon kartaa dhoofinta shidaalka iyo gaasta wadamada Afrika een badda lahayn sida Itoobiya.

“Waxaan ku naal goob muhiim ah. Marinka Berbera sannad walba waxa ka goosha ilaa 30,000 oo markab ka yimaada Yurub una socda Barriga dhexe iyo Aasiya. Waan ka dhigi karnaa Berbera sida Singapore, goobo konteenarada, aag ganacsiga xorta ah, iyo hawlaha dekedahu qabtaan,: ayuu Dr, Shire yidhi.

Maareeyaha dekedda Berbera, Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa si weyn ugu qanacsan balaadhinta dekedda si looga dhigo hoyga ganasci ee xidhiidhiya Afrika iyo Barriga Dhexe.  “Dekeddan way noqon kartaa mid balaadhan oo horumarta sida dekedda caalamka. Wakhti yara ayaa naga xiga xilligii ay soo jiidan lahayd maalgashedayaal casriyeeya oo balaadhiya, si markaa aan u kordhino waxqabadkeeda, oo waxtarkeeda loo helo.” Ayuu yidhi Cali Xoor-xoor.

Sida uu qabo Pham, aamuska beesha caalamka ee qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ayaa dalkan gelin kara xaalad halis ah, una nuglaada saamayn kooxaha argagaxisadu ku yeeshaan.

“Arrinka beesha caalamku inay fahamto tahay waa hadii aan wax laga qaban hiigsiga Somaliland ku jirto, waxaa dhici karta in xaaladahu isbedelaan. Sare-u-kaca dhalinyarada aan helayn koboc dhaqaale badan ayey u weecin kartaa dhegehooda qaar ka duwan hogaamiyaashooda aragtida dheer ee dhisitaanka dalka ka soo bilaabay burburintii Soomaaliya.”