Tahriibka Dhallinyarada Oo Si Laxaad Leh Kor Ugu Kacay

1
796

 

tahirHargeysa(Geeska/IRIN)-Wakaaladda wararka Qaramada Midoobay ee IRIN ayaa toddobaadkan baahisay inuu tahriibka sharci darada ahi kor uga kacay Somaliland, ka dib markii ay dhallinyaro tiro badani ka tahriibeen  magaalooyinka kala duwan ee Somaliland.

 

Warbixintaas ay IRIN diyaarisay waxa ay sababta koowaad ee ay dhallinyaradu u tahriibayso ku macnaysay shaqo la’aan baahsan, waxaanay dhallinyaradu safarkooda tahriibka ah ee dhibta badan u sii maraan Itoobiya, Sudan iyo Liibiya oo ay ugu dambayn ka hiigsadaan wadamada Yurub. “Ma jirto xog rasmi ahi, laakiin waxaanu qiyaasaynaa saddexdii bilood ee u dambeeyay sannadkii 2011, 150 dhallinyaro ah ayaa tahriibay, marka la barbar dhigo saddexdii bilood ee sannadkan u dambeeyay tiradu  waxay noqotay  300–350 qof.” Sidaas waxa yidhi Siciid Cumar oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda waxbarashada oo u waramay wakaaladda IRIN, isagoo sheegay in tahriibku kor u sii socdo.

Qiyaastii 150 dhallinyaro ah oo reer Somaliland ayaa dib loo soo celiyay intii u dhaxaysay bilihii January iyo Nofember ee sannadkii 2011, ka dib markii uu maamulka Itoobiya ku qabtay xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Sudan, Laakiin sannadkan 2012 kor u kac ayaa muuqday, marka tiradaas la barbar-dhigo  200 oo dhallinyaro ah oo dib loo soo celiyay 11-kii bilood ee sannadkan 2012 u horeeyay, sida ay wakaaladda u sheegeen saraakiisha waaxda socdaalka Somaliland ee degmada Tog-wajaale.

Wakaaladu waxay sheegtay in shaqo la’aantu tahay sababta ugu weyn ee sababta tahribka dhallinyarada Somaliland, iyagoo weliba tahriibka u mara dhibaatooyin kala duwan oo tiro badan. “Kor u kaca shaqo la’aanta Somaliland ka jirtaa ayaa ah arrinta ugu weyn ee dhallinyarada ku dhiirigelisa inay tahriibaan.” Sidaas waxa yidhi Maxamed-Rashid Muxumed Faarax oo ah xoghayaha guud ee urur saxaafadeedka SOLJA, w axaanu intaas raaciyay, “Tusaale ahaan Addis Ababa ayaan joogay sannadkii 2011, markii aanu la kulanay 30 dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah oo doonayay inay u tahriibaan Yurub, waxay noo sheegeen in sababta ugu weyn ee ay u tahriibayaan tahay shaqo la’aanta dalka ka jirta.”

Laakiin xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay diyaarinayso qorshe ay dhallinyaradu kaga baxdo shaqo la’aanta, waxaanu agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Baashe Yuusuf Axmed, wakaaladda u sheegay in xukuumadu ku gudo jirto hirgelinta qorshahaas ay dhallinyaradu kaga baxayso shaqo la’aanta.

Comments are closed.