Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax Dhigay Dhisme Laba Dabaq Ah Oo Wasaradda Cadaladda Loo Dhisayo

0
631

 

dhagaxHargaysa( Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay dhisme laba dabaq ah oo loo dhisayo wasaaradda cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland.kaasi oo ay maal-gelisay dawlada Britain.

 

Xafladii xadhiga lagu dhagax dhigayay oo lagu qabtay barxadda u dhaxaysa maxkamada Goodirka iyo maktabadda masaarida ee magaaladda Hargeysa waxa ka soo qeyb galay sarkaal ka socday safaaradda Ingiriiska ee Addis-ababa,Wasiirro, Shirgudoonka Golaha wakiilada, Taliyeyaasha ciidammadda asluubta iyo Booliska iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladaasi waxa uu u mahad celiyay dawladda ingiriiska oo oo maal gelisay dhismahan labada dabaq ah ee loo dhisayo wasaaradda.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qeyb galo xafladan dhagax-dhiga dhismaha cusub ee wasaaradda cadaalladda Somaliland. Waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa, uguna bogaadinayaa dawladda ingiriiska iyo Ha’yadda UNODC ee nagala qeyb galay mashruucan dhismaha ee qiimaha iyo qaayaha leh,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay ahmiyadda cadaaladdu u leedahay dawladnimadda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Cadaalladda meesha loogu shaqaynayo, dhismaheeda iyo maamulkeeduba waa waxyaabaha ugu waaweyn ee dalka iyo ummadduba u baahan tahay in wax laga qabto, hore ayaanu u balan qaadnay in hawshaasi cadaaladda wixii aanu ka tari karno ka tarino. Maantana tani waxay ka mid tahay tallaabooyinka ugu horeeyay ee dawladdu qaado ee wax ka qabashadda cadaaladda.”

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan daartan dhagax dhigo, inshaalaahu wuxuu noqon doonaa mid ummadda iyo qaranku ku guulaysto, intii ka qeyb gashay oo dhanna waan u mahad celinayaa,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi hadlay Wasiirka Cadaalladda Md. Xuseen Axmed Caydiid oo ka waramay baahida ay u qabeen dhismahan oo uu tilmaamay inuu wax weyn u tari doono wasaaradda cadaaladda.

“Runtii waxaanu Madaxweyne kaaga mahad naqaynaa ka soo qeyb galkaaga xafladan iyo inaad noo dhagax dhigto dhismaha cusub ee wasaaradda cadaaladda. Sharafna way noo tahay dhismahan la dhagax dhigayaana Madaxweyne waxay calaamad u tahay cadaalladda meeqaamkeeda. Waxa la yidhi ninka aad kabo ka tolanayso kabahiisa ayaa la eegaaye’. Cadaaladda halka loogu hagaagayo kolba sawirka ay leedahay ayuun baa runtii cadaaladda dalkana laga sahamin karaa,”ayuu yidhi Wasiirka Cadaalladdu.