Shacabka Somaliland Oo 1-da Luulyo U Arka Maalin Madoow Iyo Farriinta Indho Isku Qabadka Ah Ee Uu Xasan Sheekh Soo Diray

0
609

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shalay waxa ay shacabka wadanka Somaliya u dabaal degeen 1-da Luulyo oo ah maalintii ay Talyaaniga ka qaateen xorriyadda islamarkaana ah maalintii ay Somaliland xorriyadeedii ay 26 June qaadatay ay ku dhex tuurtay Somaliya. Somaliland xorriyadaas waxa ay raadinaysaa 54 sannadood ka dib.

Inkastoo ay dadka reer Somaliland maalintan u arkaan maalin madow oo ay xorriyadoodii god dheer ku rideen, ayaa haddana waxa magaalada Muqdisho ay shacabka Somaliya ugu dabaal degeen maalintan, iyadoo uu Madaxweynaha Somaliay Xasan Sheekh Maxamuud, reer Somaliland u soo diray farriin kooban. “Si gaar ah waxaan hambalyo u leenahay dadka ku nool magaalada Hargeysa oo ah halkii maalintaasi laga taagay calanka Soomaaliyeed, waxaan lee yahay hambalyo, waxaan kaloo idin lee yahay Ramadan Kariim.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh, oo u muuqda inuu iska indho tirayo halka ay shacabka Somaliland ka taaganyihiin maalintaas 1-da Luulyo ee Xamar looga dabaal degayo oo bulshada uu salaanta u soo diray ee Somaliland ay u arkaan maalintii ay lumiyeen xorriyadda ay 54 sannadood ka dib raadinayaan.

Mid ka mid ah muwaadiniinta Somaliland oo twitterka ku qoray farrin kooban oo uu kaga hadlay 1 Luulyo, ayaa wuxuu ku yidhi, “Annagu reer Somaliland ahaan uma aragno maalin farxad leh ee waxaanu u aragnaa maalin madoow oo aanu galnay khaladkii abid ugu weynaa.” Si kastaba ha ahaate, shacabka Somailand iyo shacabka Somaliya ayaa aad u kala fog marka la eego halka ay maalintan 1-da Luulyo ka hortaaganyihiin, waxaanu Madaxweynaha Somaliya u muuqdaa inuu iska indho tirayo xaqiiqada jirta.