Waraysi Gaar Ah: Cali-Gurey Oo Si Waadix Ah Uga Hadlay Arrimo Badan

0
857

DSC06065Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo ah siyaasi ay hadaladiisu cad cad yihiin, ayaa ka hadlay golaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, labada masuul ee uu aaminsanyihiin inay yihiin siyaasiyiin ee golaha wasiirada ku jira iyo qodob kale.

Md. Cali-Gurey, oo ay shalay waraysi dheer la yeesheen Wargeyska Geeska Afrika iyo shabakadda wararka ee Hadhwanaag News, ayaa waxa kale oo uu kaga hadlay laba qodob oo uu sheegay inay xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin kaga wanaagsanayd xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, xaaladda xisbiga UDUB, masuuliyiinta eedaha musuqmaasuq ugu xidhan xabsiga Hargeysa, wershadda sibidhka ee Berbera iyo waxyaabo kale oo uu dhammaantood si aan gabasho lahayn uga hadlay. Md. Cali-Gurey, wuxuu sheegay in wasiirka cusub ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale yahay wasiirka keliya ee uu aaminsanyahay inuu Madaxweyne Siilaanyo dookhiisa ku soo xushay, waxase uu Boobe uga digay khatar uu sheegay inay kaga iman karto shakhsiyaad Madaxweynaha ku xeeran oo aan jeclayn in loo weydaarto. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Md.Cali;  dhawaan madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa, waraysi horena waxaad noogu sheegtay in loo baahan yahay in uu siyaasiyiin madaxweyne Siilaanyo xukuumadiisa ku soo daro, hadda sideed u aragtaa isku shaandhayntan?

Anigu isku shaandhaynta ama xukuumadan dhinaca aan ka eegayay waxa ay ahayd siyaasada iyo nabad galyada iyo wakhtigan cusub ee inagu soo fool leh ee ay Somaliyana wax iska badali doonaan, inana aynu wax iska badalayno shirkii London kadib xaalada dalkan siday noqon doonto, xukuumadii la jaan qaadi lahayd ayaan runtii ka hadlayay, dhinaceeda siyaasada.

Inay xukuumadani  mid farsamo tahay ayaan u arkayay, walina aan u arkaa, wasiirada qaarkood waa loo baahan yahay inay wasiiro farsamo noqdaan, oo imikaba anigu waxaan aad u taageersanahay inkasta oo aanan wajiyadooda iyo xafiisyadooda arag, wasiirka qorshaynta iyo Macadanta iyo biyaha oo aan u arko in aanay siyaasiyiin ahayn, laakiin ay ka midho  dhalinkarayaan xilalka loo dhiibtay oo waa wasiiro farsamo.

Markaan xaga siyaasada ee ay ka dhimatay ee aan anigu is lahaa dal’dalooladeeda ha buuxiyo madaxweynuu ka eegana, waxaan soo qaadanayaa wasiirka hawlaha guud oo aan u  aqaano inuu yahay ninka ugu siyaasisan ee ku jira xukuumada Axmed, inuu markaas rag badan oo siyaasiyiina oo ugu yaraan  shan nin ah, oo dadka gobalada dalka oo dhan ay wax ka dhagaysan karaan, garan kara dbibaatooyinkooda, amnigooda iyo dhexdooda wax ka tari kara, inuu rag sidaasa ku soo biiriyo ayaa ay ahayd madaxweynaa anigu taladaan u gudbiyay. Ragii sidaas ahaa ninbaa kaga soo kordhay, ninkaasna waxa layidhaahdaa Boobe Yuusuf Ducaale oo aan ku tilmaamayo inuu yahay wasiirkii ugu horeeyay ee Axmed Siilaanyo uu isagu magacawdo aanay cid kale u keenin, yancii aqoonta uu u leeyahay, cidina may odhan kan nooga dhig wasiir, isaguna si kale uma dooran, laakiin waxaan  aaminsanahay inay Axmed ka timid inuu Boobe qaato, Boobena waxa uu noqday wasiirka kaliyaata ee SNM-tii Qaaxo  kaga jira dhawr iyo sodanka qof ee ku jira xuumadiisa, haddii laga tagi waayo ninka labaad ee aan is leeyahay Axmed aqoon uu u leeyahay ayuu ku magacawday  waa ninka aanu xisbiga wada saxeexnay ee Xuseen Axmed Caydiid, labadaas shaqsi ayaan anigu wasiiro uu madaxweyne Axmed Siilaanyo isagu magacawday aan aaminsanahay, waxan kale ama reernimo halagu keeno ama kooxnimo halagu keeno ama waa uu soo halgamay haku helo, halgankan Kulmiye, waa rag aanu badankooda waayo aragnimo u lahayn. Boobana runtii waan u baqayaa oo haddii uu aniga ila tashan lahaa waxan odhan lahaa waar iskaga joog, waayo ragga meesha loogu tagayaa waa niman xidhay oo cidii ay u tirinayaan inay madaxweynaa si fiican isu garanayaan ama talooyin ka duwan talooyin kooda ama talo nasteexa oo lilaahiya  siin karaaya geeska ku dhufanaaya, markaas waan huba inuu cadaw badan yeelanaayo Boobe.

Guddida diiwangalinta ururadii wajigii labaad ayay soo gabogabeeyeen, waxaana urur kasta ay ku amreen in ay xafiiskooda guud ee gobalada ay keenaan kun qof oo madax taabasho ah, wax olale u muuqdayna ururadu waa ay sameeyeen, adigu arimahaas siday kuula muuqdaan?

Horta waan ka xumahay guddidan kala saarista ururadu qaabkan ay imika wax u wadaan, waxaan is leeyahay kii ugu sax sanaa maaha, oo kolba in dhinac layskula duulaamo oo kuwii ururkan la joogay goor dhawana mid kale u tagaan, mida kale waxay ahayd in shaqaale dhawra oo wax kala nidaamiya ay samaystaan, waxaad moodaa inay iyagii oo qudha ay marba gobal u yaacayaan.

Xaalku sidaas ha ahaadee waan ku faraxsanahay in ururda badankoodu ay da’daaleen, laakiin waxan qabaa in la jabiyay xeer 14, waxaanu xeerkaasu odhanyaa in lixda gobal min kun qof ayaa laga doonayaa, waxaanay gudidu sheegtay in gobal kasta magaalo madaxdiisa laga samaynaayo, Caynabaa la yidhi oo dagmo ah ayaa la yidhi 200 ayaa la’keenayaa, xeerkan meel ay kaga taalo laba boqol ma jirto, meel ay dagmo kaga taalana ma jirto, Caynabana dagmo ay ururadu u siman yahiin maaha, haddii ay dhibaato timaado oo qodab xeerka kamida uu dabaqi kari waayo duruuf awgeed waxa jirta wado sharciya oo loo maro oo qodabkaas wax lagaga badalo, lama marin, Markaas isku soo duubo waxa Sool ka dhacay waa qalad.

Buuq badan baa Berbera ka taagan, madaxweynii hore warshadii sibidhka ee hore ayuu digreeto ku bixiyay, madaxweynahan hadana isna warshad kale ayuu digeerto ku bixiyay in la dhisi karo, buuq xooganina waa uu jiraa, ka siyaasi ahaan arimahaas sidaad u aragtaa?

Reer Berbera marka la yidhaahdo ma qabiil bay noqnysaa, ma dadka Berbera hantida ku leh ayay noqonaysaa, ma kuwa jooga ee ka shaqaysta ee cid walba leh ayay noqonaysaa, yaa noqonaaya reer Berbera, su’aasha ugu adag ee taagani waa taas. Qodabka labaad hanti dadweyne ayaan u arkaa inay warshadii sibidhka ee Berbera tahay, waxaan wada leh islaanta adhiga raacda ilaa madaxweynaha, Saylac dadka jooga ilaa Dhahar kuwa jooga, warshadaas qof walba oo Somaliland ah waxbuu ku leeyahay, qaabka loo bixiyay waa laga yaaba in aanu sharci ahayn, hase ahaatee cidiba kuma haysato  warshadaas cidii idinka uu Daahir Riyaale u siiyay, laakiin waxa qalada in cid muwaadiniina oo doonaya inay maal gashadaan tu aanu dadwaynuuba lahayn, oo dad isku tagay ay leeyahiin, oo sharcigiina waafaqsan inay cidi odhan karto kama dhisan kartid adigu, oo waliba nasiib darada kuwii haystay tii dawladu lahayd ee loo daayay inay iydhaahdaan cid mid cusub dhisan karaysaa majirto.

Sibidhka waa aynu u baahanahay, nimcadana illaahay waxa uu inoo siiyaa in aynu manaafacaadsano, abeesadu waxa layidhi ciida habeen bay ka qadaa, waxay tidhaahdaa way madhanaysaa, hadaynu nidhaahno laba warshadood ma qaadi karto, horta abeesadii ayaynu noqonaynaa, way qaadi kartaa laba oo saddex bay qaadi kartaa oo waynu dhoofin karnaa, halkaynu imika ka soo dhoofsano.

Warshadan gabigeedubana waxay soo saaraysaa 600 oo tan, Jabuuti baa imika 3000 oo tan maraysa mid soo saarta, waxan oo dhan waxa u sababa waa dawlada oo maaha inay dadku isku soo baxaan, oo ay reerahu isku soo baxaan.

Cali Gyray marka magacaaga la maqlo waxa la xasuusanayaa SNM iyo dabcan jabkii aad dalka u soo marteen, dhawaan waxa mudaharaaday dadweyne yidhi waxaan nahay agoontii iyo naafadii SNM, marna ma is lahayd haddii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dalka taladiisa ku guulaysto agoontaasu way cabanaysaa?

Haa, waan is lahaayo, dhawr iyo sodanka nin ee imika madaxweynaa u wasiirada ah uun ka eeg, markii horena Maxamed Xaashi ayaa kaga jiray imikana Booba kaga jira, dadkan badankoodu agoontan iyo naafadan garanba maayaan.  Qodabka labaad wax tar hagrashi ma jirto oo waxaynu hayno ayaaba iska yar, in’aynu wadanka ku socod siino iyo inaynu agoonta iyo naafada quudino inooguma wada filnaan karto, markaas mar walba cabashada iyo baahidu waa ay taagnaanaysaa.

Dawladii hore ee uu hoggaamin jiray Daahir Rayaale  iyo dawladan Axmed Siilaanyo hogaamiyo, markaad is barbar dhigto keebaad is leedahay dalka waa ay uu u anfac-badan yahay?

Horta marka aad shaqsiyayso, tii Daahir Rayaalena rag badan oo shaqo wanaagsani waa ay jireen, wasiirkii arimaha gudaha ee ugu danbeeyay Cabdilaahi Cirro waxaan qabaa inaan wasiir gaadhi kara oo arimaha gudaha ah oo ay Somaliland samaysatay aanu jirin, waxa uu ahaa nabad-sugidii Siyaad Barre, ha’ahaadee waxa uu ahaa kursigaas uu ku fadhiyo nin mandaqada geeska afrika oo dhan waxa ka dhacaaya la socda, oo xidhiidhadiisa leh oo qiimayn kara xaalada amniga, nin koox daneed ka tirsana muu ahayn, maanta markaan eego inaga waxa ugu muhiimsan waa xaga siyaasada iyo amniga labadaasba dawladii Daahir Rayaale ayaa ku fiicnayd, waxase laga yaaba meelo ay xukuumadan kaga wanaagsantahay tii Daahir Rayaale inay iyaduna jiri karto, in la doon doono ayayna u baahan tahay.

Ururadan imika soo baxay ee doonaya inay idinla tartamaan Caloow wax baqasho ah ina maydinkaga jirtaa, inay meesha idinka tuuraan?

Walaahi waxay tidhi, curadadii loo soo galyoo kaygiiba kab-baa ka luntay, markaan UCID eego ee KULMIYE eego, UDUB-na  aan ahay oon ogahay, baqo waynbaan qabnaa, laakiin taasu ma’aha awood ay ururadu leeyahiin ee waxa weeye dadka hoggaaminaya xisbiyada ayaa xisbiyadii ka dhigay ,Duq nin lahi dabada hayo, Somaliduna waxay tidhaahdaa ( Duq nin lahi dabada hayaa ma kacdo ), kolkaa baqo weynbaan qabnaa.

Madaxdii xisbigiina haatan wadanka waa ay wada joogaan, kolsooni intee leeg ayaad ku qabtaa in la xaliyo khilaafkii xisbiga?

Waan ka xumahay in mudadaas uu socdo khilaafkan oo aan aaminsanahay in la soo afjari karo, inuu ilaa hadda soo gaadho may ahayn, maanta halkan anu marayno go’aankii gudida fulintu ay gaadhay ee ay ku soo saartay musharaxa weeye horta waxa ugu weyn ee taagan, go’aankaasna anigu maalmahii ugu danbeeyay ayaan taageeray, sababtuna waxa weeye, waxaan ka fakaray hadaan ka noqono maaxaan faa’daynaa, maxaan khasaaraynaa, hadda anigu ma taageersanayn in murashaxa la soo horaysiiyo oo dadkii lagu dayriyay ayaan kamid ahay, laakiin halkan maanta aanu marayno ayaan eegay, oo haddii Daahir Rayaale layidhaahdo waa uu ka noqday go’aankii gudida fulinta, waxan qabaa xisbiga Udub inta ku hadhay oo Saaxil iyo Awdal ah in ay naga dhaqaaqado anigu dooni maayo, waayo xataa marka Reernimo loo eego qoladayadan Hargaysa iyo Burcoba intaas oo urur ayaanu kala galnay. Mana aha kama danbayn murashaxan la soo saaray cida diidanina meel ay kaga noqoto oo shir weynaha ah ayaa jirta, ee horta xibiga aan soo saaarno. Lakiin intaas oo dhan waxa ka horaysa bal go’aanka uu doonaayo ha qaato’ee bari  iyo saadanbe haddii uu ka danbeeyo go’aanka Daahir Riyaale anigu war war weyn baan qabaa inuu Udub tartamiba karaayo.

Waxa dhawaan loo xidh xidhay eeddo musuq-maasuq xubno katirsan xukuumada Axmed siilaanyo oo uu kamid yahay badhasaabkii maroodi jeex arimaas maxaad war ka saysaa?

Boqlkiiba boqol sida loo maamulay arinkaasi waxaan qabaa inuu qalad yahay, baadhisbaanu samaynay xogogaalbaan ahay mana-doonayo inaan warbaahinta ku soo bandhigo waxyaabaha aan xogagaalka u ahay, sidan imika loo maamulay waa sidii loo maamuli lahaa dadkaa la xidhay oo mid waliba joonyad uu dhabarka ku sito oo lagu qabto, sideedii ayaa loo maamulay.

Raashinkan cidii gaysay bakhaarada ee ku qaybisay magaalooyinka kalena u kala dirtay iyada oo dawladba la socon qof kama xidhna, iyagu manay qaybin lamana odhan raashinbaa wadanka la keenay mucaawino ah, kuwan xidhaybaana war galiyay in uu jiro raashin suuqa iyo bakhaarada la galiyay, ninka isagu war galiyay ee yidhi raashinkaas ayaa jiree ma la’soctaan, ee yidhi mayee ma ogin, ee dabadeedna bakhaaradii la dhigay markii la ogaadayna iyagii lagu xidhay, dee waxay ahayd in baadhis la sameeyo.

Mida kale qofku marka uu masuul yahay karaamo ayuu leeyahay, arinkana shaqsiyad dilbaa ku jira sida loo maamulay, waxaan aaminsanahay si kastaba xaalku’ha-ahaadee  cidbaa wax khaladay, cidii danbigii in lagu qaado lama doonaayo, kuwana waala arkay sida ay wax u yahiin in aanay sidii la moodayay wax u ahayn, dee xalbaa loo baahan yahay.

Xalku laba ayuu noqonayaa, mid sharci waa loo baahan yahay oo sharcigii haddii uu danbiile yahay danbigii ku cadeeya, haddii kalana danbi la’aan ka dhiga. Waliba Axmed Siilaanyo waxa u sii taal dhaawaca ay gaystaan inamadan uu meesha ku haystaa, ee u wasiirada ah ee aan waayo arag ahayn, talaabooyinka ay doonayaan iska qaadaya ee aan xaqii muwaadinkaba ilaalinayan, xal siyaasiya oo uu ku boqsiiyo waxan dhacay waa loo baahan yahay. Xalka siyaasiga ahna waxa uu ka bilaabmayaa in qofka in lagu qaldamay dadka hortooda laga qiro, haddii luuq lala galo ama la laaluusho waa qalad, markaas  waxa loo baahan in xukunku inuu noqdo qaynuunka.