Agaasimihii Guud Ee Arrimaha Gudaha Oo Is Casilay, Kuna Biiray Golaha Wakiilada

1
719

DSC06015Hargeysa(Geeska)-Agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki) ayaa is casilay si uu uga mid noqdo golaha wakiilada maadaama oo uu ahaa mudanaha dhinac tirinta codadka murashixiintii xisbiga KULMIYE ee gobalka Hargeysa ugu soo xigay mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu ka mid noqday golaha xukuumadda.

Md. Cabdillaahi Balaaki oo shalay loo dhaariyay ka mid noqoshada golaha wakiilada ayaa ka qayb galay fadhigii shalay ee mudanayaasha, waxaanu ka qayb qaatay doorashadii xubnaha ku xigeenada guddoomiyaha golaha wakiilada. Agaasimihii wasaaradda daakhiliga oo is casilay Jimcihii doraad, ayaa waxa la sheegay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka aqbalay istiqaaladda, waxase la sheegay inuu xilka ku sime ahaan u sii hayo.

Cabdillaahi Balaaki ayaa wuxuu noqonayaa agaasimihii shanaad ee baneeya kursiga agaasimaha guud, waxaana hore u banaanaa agaasimayaasha arrimaha dibadda, diinta iyo awqaafta, ganacsiga iyo dib u dejinta, waxaana Madaxweynaha laga sugayaa inuu buuxiyo xilalkan oo udub dhexaad u ah hawlaha maamul ee wasaaradaha

Comments are closed.