Madaxweynihii Hore Daahir Rayaale Oo Sannad iyo Badh Ka Dib Shalay Booqday Xarunta Madaxtooyada

0
682

rayaale3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa shalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wasiirkiisii maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Kulankaas oo barqadii shalay ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada, waxa ay Madaxweynaha iyo madaxweynihii hore yeesheen kulan gaar ah oo la sheegay inay kaga sheekaysteen xaaladha kala duwan ee dalka, waxaana la sheegay inay labada hoggaamiye isla soo hadal qaadeen natiijada shirkii u dambeeyay ee Ingiriiska iyo weliba wada hadalada shirkaas lagaga dhawaaqay inay dhex maraan Somaliland iyo Somaliya. Kulankaas oo qaatay laba saacadood, waxa Madaxweynaha iyo madaxweynihii hore ku weheliyay wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Geesta kale wuxuu madaxweynihii hore isna xafiiskiisa ku booqday madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo si diiran u soo dhaweeyay.

Waa markii horaysay ee uu Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin booqdo xarunta madaxtooyada tan iyo maalintii 27 Julay ee uu wareejiyay xilka madaxtinimada qaranka Somaliland.