Waraysi Gaar Ah: Cali-Gurey Oo Naqdiyay Siyaasadda Dibadda Iyo Itijaaha ay ku socoto

0
506

cali-gureyHargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa sheegay inaanay wax faa’iido ah oo dhinaca siyaasadda ah oo Somaliland uga soo kordhay shirkii Turkiga ee ay dhawaan wasiiradu ka qayb galeen.

Cali-Gurey, oo xalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu tilmaamay inay siyaasadda dibadda ee Somaliland u muuqato mid gabi dhaclaynaysa, waxaanu ku taliyay in la sameeyo qorshe siyaasadeed oo cad si indhaha caalamka loo kasbado, waxaanu ka dayriyay suurtogalnimada midho ka soo baxa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya mar haddii aanay jirin cid saddexaad oo dhexdhexaadinaysaa. Waraysigaas oo uu Cali-Gurey sidoo kale kaga hadlay xukunkii ay maxkamadda gobalka Hargeysa ku riday masuuliyiintii xukuumadda hore uga tirsanaa ee ku eedaysnaa musuqmaasuqa, ayaa wuxuu u dhacay sidan:

Cali ugu horayntii maxaa faa’iido ah ee aad odhan kartaa wuu inooga soo xarooday shirkii aynu ka qaybgalnay ee Turkiga?

Dhinaca siyaasada wax faa’ido ah oo Somaliland uga soo xarooday ma jiraan ayaan  qabaa anigu, arintan mucaawinooyinka ee hore u jiri jirtay waa laga yaaba inay intii hore ka bataan, laakiin arinta muhiimka ahayd waxa ay ahayd dhinaca siyaasada.

Dhinaca siyaasadana shirkii London in la wada hadlaabaa ka soo baxday wada hadalkiina waa kii albaabkii ugu horeeyay ku fashilmay, waxbana kuma soo kordhin qaabkii wada hadalka uu suurto gal ku noqon karaana waa in la helo  cid saddexaad oo wax isku jiid jiidi karaysa, ileen labadii mawqif baynu kala taaganahay ee iyaguna ay lahaayeen Somaliya waa muqadas, inana gooni isku taaga Somaliland gorgortan ma laha, markaas wada hadal toos ah oo dhex mari kara labadii dhinac in aanu suurto galayn ayaan u malaynayaa.

Bulshada caalamkuna ma qaybsana oo cid ku dacwiyaysa Somaliland in goonideeda loo ictiraafo ma jirto, cid leh shacbiga Somaliland afti halaga qaado oo leh hadoortaan  labada kay doonayaan ma jirto, waxii jiray oo dhan waxa lagu xidhay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanay ku sii riixayaan wada hadalkaasu inuu noqdo mid midnimada Somaliya soo celiya.

Markay sidaas tahay waxa suurto gal ah in aanay taasu dhicin wada hadal toos ahina imanin, ictiraaf mee lkale oo dibad ah ka imanayaana aanu jirin, markaas wax ka soo kordhay shirkaas oo dhinaca siyaasada haba yaraatee majiro.

Wasiiradii shirkaas uga qayb galay Somaliland waxay umadda u sii sheegeen inay sirkaas qaybtiisa hore ka qayb galayaan oo arimaha dhaqaalaha lagaga hadlaayo, qaybta danbe ee qaybaha Somaliya ku hirdamaaya loogu ariminaayana aanay ka qayb galayn, haddana qaybtii danbe waa ay ka qayb galeen, arintaas siday kuula muuqataa?

Laba ayuunbay mid noqonaysaa, marka hore ee ay lahaayeen qaybtaas dhaqaalaha ayuunbaanu ka qayb galaynaa inay ogaayeen in aanay kuwa kalena diidi karin, maadama oo ay dawlada ku marti qaaday ay odhanyso soo fadhiista, haddii kalana waxay noqonaysaa in markii ay halkaas tageen lagu qanciyay uun ama ay marka horeba ogaayeen inay ka wada qayb galayaan, laakiin inaga ay intaas uun inoo sheegeen.

Markaad eegto isbedalada dhacayay baryahan, xukuumaddu shirkii London waxay kala timi inay ka Turkigana ka qaybgalayso, way ka noqotay go’aankaas, haddana way ogaalaatay ka qaybgalkiisa, ugu danbayntii waxay sheegtay inay ka qaybgalayso qaybta dhaqaalaha oo maalinta hore ah, is badbadalkaasu muxuu salka ku hayaa ama aad ku cabiri kartaa?

Waxa lagu cabiri karaa in aanay jirin barnaamij cad oo xukuumad ahaan la dajiyay oo la bineeyay oo laga fakaray, markaa haddaanu kaasu jirin waxay noqonaysaa dareenka iyo wararka caalamku siday yahiin in la’la jaan qaado, maadama oo aanu jirin mawqif aynu ku naginahay oo adag ee ay tahay uun wax iska gabi dhacyoonaya.

Wakhtigii UDUB-na waxaad moodaysay in indhaha caalamku ay ka sii jeedeen Somaliya oo aanay danaynaynba, waana tii aynu ogayn kol ay Xabshi gasho iyo mar ay maxkamaddo qabsadaanba iyo mar  Al-shabaab xukuntaba, waxaad moodaysay in aan  indhaha bulshada caalamku danba ka lahayn oo ay iska ilaabeen, laakiin maanta waa ay ka duwan tahay oo laba arin ayaan is leeyahaya waa ay sababeen inay indhaha caalamku ku soo jeestaan in xal loo helo dhibaatooyinka Somaliya.

Midi waa rintan argagixisonimada keentay ee GeeskaAfrikaba ku sii fidaysa taas oo ay arkeen inay saldhig u noqon karto argagaxisada oo ay baqo wayn ka qabeen dalalka jaarka ahi, qodabka kalana waxa weeye dhaqaalahan Yurub ee dhacay iyo Saliidan cirka tagtay iyo khilaafkan bariga dhaxe ka jira oo saamayn ku yeelanaya shidaalkii dunada iyo dhaqaalahaba, taasina waxay keentay in Afrika iyo meelo kale ahmiyada la siiyo oo kaydka  shidaalka, markaas taas ayaa iyaduna waxay keenaysaa dhulka lagu tuhunsanyahay shidaalka inuu yahay dhulka Somalidu dagto oo dhan ee Geeska Afrika ah, waxaanay caalamku la soo jeesteen imika in xal dagdag ah loo helo, laakiin wali inaguna waxaynaan gaynin hindise ku saabsan sida aynu doonayno in aynu inaga iyo Somaliya ku kala baxno.

Ugu danbayntii siduu kuula muuqdaa xukunkii ay maxkamaddu ku riday masuuliyiintii ku eedaysnaa musuqa, oo ay sheegeen qareenadii udoodayay inay xukun mid siyaasadeed oo ay rafcaan ka qaadanayaan?

Waa aynu wada ogayn oo kiiskan maxkamaddu si wanaagsan ayay u waday, sidaas wanaagsan ee uu u socday iyo markhaatiyadii la dhagaystayba waxay muujinaysay in aanay danbi lahayn dadkan xidh xidhani, waxaynu filaynay in maxkamaddu ay u ogalaato dadka dulman inay ku dhaqaaqdo sida kiiskaba ka muuqatay inay danbi la’aan yahiin oo ay sii dayso, laakiin go’aankan waxaan qabaa inuu ahaa mid siyaasadeed, oo aan ahayn mid maxkaamdda ka soo baxay ee uu yahay mid maamul, imikana anbiil baa ay ka qaateen oo wali may soo xidhmin cadaaladii, muhiimaduna waa in cadaalada la sugaa.