Hargaysa(Geeska )- Deeganada u dhaw dhaw Geed-deebleh oo ah waqooyiga Hargeysa, ayaa lagaga soo waramayaa in Daanyeerada iyo waraabayaasha ku nool ay bilaabeen waxyaabo aan hore loogu aqoon, sida ay ku warantay haweenay xoolo dhaqo ah oo deegaankaas ku nool.
Daanyeerada ayaa siday haweenaydan sheegtay waxay cunayaan waxaraha yar yar, halka Waraabayaashuna ay bilaabeen inay xeryaha adhiga dhinaceeda soo qodaan ilaa ay xerada gudaha u soo galayaan.
Haweenaydan oo magaceeda ku sheegtay Hinda Aadan Warsame, ayaa ku warantay inay Daanyeero tiro badan ay cuneen ku dhawaad 25 waxarood oo reer kaliyaata ay leeyahiin, isla markaasna uu reerkii ka baabi’iyay gurigoodii, waxaanay haweenaydan ku sheegtay sababta daanyeerku sidan u yeelay in la xaalufiyay deegaankay ka qadhaaban jireen.
Haweenaydan oo u warantay Geeska Afrika, ayaa tidhi “Daanyeeerku waxa uu cunay 25 waxaro ah oo gabadhii lahaydna ay dooxa biyo ka soo dhaansanaysay, markay biyahii ka timiba waxay u timi 25-kii oo uu cunay, haddana gurigii ayuu ula jeestay oo waxba kagama tagin, marka laga reebo shaaha madaw iyo kiiniinka oo uu daadinaayo.” Ayaa ay tidhi, waxaanay iyada oo hadalkeeda sii wadata tidhi“ Waa amaarad soo korodhay waayo daanyeerku markii hore waxaraha muu cuni jirin, qadhaabka ayaanu iska cuni jiray, imika wax laga ilaaliyaba la garan maayo, qadhaabkiina deeganka waa uu ka dhamaaday, dhirtiina waataas dadka lagu saliday ee ay shidayaan, markuu wax uu cuno waayay waa kaas duunyadii ku waashay.”
Dhanka kale waxa ay Hindi ka warntay Waraabayaal habeenkii si ay xoolaha u cunaan xerada soo qodaaya, kana soo dhex baxaaya xerada gudaheeda, arintaas oo noqotay af kala qaad “Waxa kale oo jira Waraabe xerada dacalka ka soo qodaya oo adhiga ka soo dhex baxaaya, dabadeedna nag ka siinaya xoolaha, waxa kale oo jira Waraabe ooda guraaya, oo intuu xerada yimaado muska hore guraaya oo markuu ka dhameeyana adhigii soo dareeraayo, Waraabahu wakhtigii hore sidan naguma ahayn ee waa wax ku cusub deegaanka, hore looma arag Waraabe intuu ooda guro xoolaha iska dareersada, waliba deegankayagan waraabahii joogay xoolaha dhaxa xataa ma cuni jirin oo horar muu ahayn.”
Dhibatooyinkan ay la yimaadeen Daanyeeradu ayaa la’la xidhiidhinayaa xaalufka ba’an ee deeganadii ay qadhaabn jireen lagu hayo iyo abaaraha tirada badan ee soo noqnoqday oo sababay baadka oo yaraada.