Sheekh Shariif oo ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya

0
542

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa mar kale ka hadlay ujeedada uu ka leeyahay wada hadalada Somaliland iyo dalkiisa Somaliya, waxaanu sheegay inay dawladiisu kala dooratay laba qodob oo la xidhiidha Somaliland.

Shariif, oo hadal ka jeediyay kulan qado ah oo uu u sameeyay odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ugu shirsan hawsha distoorka Somaliya, ayaa wuxuu sheegay inay dawladiisu qaadatay inay wada hadal la furto dawladda Somaliland. Sheekh Shariif ayaa marka uu hadalkan yidhi wuxuu ka jawaabayay su’aalo uu weydiiyay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah garaadada Beesha Dhulbahanate oo madasha ka jeediyay hadalo cadho leh oo ka dhan ah Somaliland. “Qodobo laga dhawaajiyay ayaa jira oo u baahan inaan waxyar dul istaagno , waxa ka mid ah Somaliland, waxaana ka hadlay laba Suldaan.” Ayuu yidhi Sheekh Shariif, waxaanu isagoo sii faahfaahinaya intaas raaciyay “Somaliland waxa la wada ahaa dawlad, dhibaataa dhacday, maamul ayay samaysteen oo waxay yidhaahdeen Somaliya kama mid nihin oo gaar ayay u istaageen, habka ugu wanaagsan ee ay tahay inaan ku keeno waa habkee.”

Isagoo Sheekh Shariif sii sharaxaya labada hab ee ay kala doorteen wuxuu yidhi “ Ma waxaan nidhaahnaa ma go’I kartiin oo waan idin soo qabanaynaa, mise waxaan leenahay walaalayaaloow aan horta wada hadalno, maxaad tabanaysiin, Somali ayaan wada nahay, hal diin iyo hal isir ayaa inaga dhaxaysa, Somaliya ayaan ka wada hadlaynaa, dawlad ayaan wada ahayn, maxaad tabanaysiin. Waxay ila tahay mida dambe inay dantu ku jirto, waxbaa noo bilaabmay oo aan rabnaa in miiska la soo saaro, in la wada hadlo, waa mida aan rabno.”