Wararka U Dambeeyay Ee Jiidda Buhodle

1
858

Burco(Geeska)-Xaaladda deegaankada Buhodle ee uu dagaalku khamiistii ku dhex maray ciidamada qaranka iyo maleeshiyaadka hubaysan ee Somaliland diidka ah ayaa degen, waxase laga dareemayaa dhiilo colaadeed.

Dagaalkaas oo sababay dhimashada shan askari oo ka tirsan ciidamada qaranka iyo 25 ka mid ah maleeshiyaadka Somaliland diidka ah ayaa waxa sabab u ahaa kooxda khaatumo State iyo Dr. Cali Khalif Galaydh oo safar ku tagay magaalada Buhodle, markaas oo maleeshiyaad galbinayay ay weerar daandaansi ah ku qaadeen ciidamada qaranka oo iyaguna weerar kaga jawaabay. Ciidamada qaranka ayaa la sheegay inay maxaabiis ahaan u hayaan qaar ka mid ah maleeshiyaadka, halka ay maleeshiyaadkuna maxaabiis ahaan u qabteen saddex askari  oo ka tirsan ciidamada qaranka. Saddexda askari ee ka tirsan ciidamada qaranka ayay maleeshiyaadku u soo bandhigeen saxaafadda, waxaana laba ka mid ah la soo bandhigay iyagoo qol yar fadhiya oo macawiso xidhan, halka askariga saddexaadna oo warkiisa la waayay xalay la  soo sheegay in Buhodle lagu hayo, waxaanay saddexdaas askari ee Buhodle lagu hayo magacyadoodu kala yihiin Muse Yoonis, Mahdi Cilmi Xuseen iyo Axmed Faarax Caamir.

Waxa iyaguna habeen hore guuro ku gaadhay deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen saddex wasiir oo kala ahaa wasiirada madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, xanaanada xoolaha Cabdi Aw Daahir Cali iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday. Wasiiradaas ayaa kormeer ku soo maray xeryaha kala duwan ee ciidamada iyagoo kulamo la yeeshay taliyayaasha ciidamadaas, waxaanay shalay ku soo laabteen magaalada Burco.

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) oo ah afhayeen u hadlay dawladda Somaliland oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika,  ayaa wuxuu ka waramay xaaladda deegaankaas, “ Xaalada guud ee aagaas wax ka dhaceen waa ay dagantahay, waanay wanaagsantahay, xaalada guud ee ciidankuna way wanaagsantahay hadday noqoto xoogiisa iyo hadday noqtoo mooraalkiisa iyo hadday noqoto habkiisa iyo sida uu hawshiisa u wato intuba waxaan umada reer Somaliland u sheegaynaa inay ku kalsoonaadaan oo ay wanaagsantahay.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay “ Waxa mar walba lagu talo galayaa dad ku soo tashaday oo doonaya inay dadkeena inagu kaciyaan oo ay dagaal oogaan oo ay qabiil inoo badalaan, markaas waxaynu ku talo galaynaa inay rabshado kale oo joogto ah ay inagu wadaan xukumada shacabka iyo ciidankuna waa u diyaar, umadana waxaan ugu baaqaynaa inay foojignaadaan oo ay isku duubnaadaan”, waxanu isagoo ka hadlaya dhimashada soo gaadhay ciidmada qaranka uu yidhi “Kolayba waan helaynaa ciidankana iyada oo qoran ayaan ka sugaynaa, waxa jira dad dhaawacyo ah oo dhimasho ku biirayay.”

Sida oo kale wasiirku waxa uu yidhi isaga oo ka hadalaaya wasiiradii deegaankaas gaadhay “  Waxaana gaadhay deegaankaas wafti wasiiro ah oo xalay [habeen hore] tagay isla markaasna ka soo noday oo imika Hargaysa ku soo jeeda, wasiiraduna waxay soo eegayeen xaalada colaadeed oo marka la eego nooca is gaadhsiin ee aynu haysano ah muhiim inaad indhahaaga soo saarto waxa jira, waanay so dhamaysteen hawlahii ay halkaas u tageen hawshuna halkan ayay ka bilaabamaysaa insha allaah”

Ugu danbayntii waxa uu baaq u diray wasiir Cabdilaahi Geeljire dadka deegaankaas oo uu sheegay inay iska ilaaliyaan kooxaha arbushaka wada waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Waxa aan ugu baaqayaa tii uu madaxweynaheenu ugu baaqay oo qarankoo dhan matala inay go’gasha nabada yimaadaan cidii wax tirsanaysa oo wada hadal lagu dhamysto, inay joojiyaan xaalada colaadeed, inay iska ilaaliyaan kooxdan arbushka ula timi inay fidnada abuurto oo leh Somaliland waan kala goynaynaa oo dagaal iyo colaad baan galinaynaa ku kala goynaynaa, waxaan leenahay shacabkoow ka feejignaada kooxdaas uu Cali Khaliif hogaaminayo iyo dagaal oogayaasha kale dagaalna waxb laga faa’idi maayo ee iska ilaaliya oo iska jira.”

Comments are closed.