Waraysi Gaar Ah: Danjirihii Hore Ee Maraykanka U Fadhiyay Addis Ababa

3
192

David shinnWashington, (Geeska)- Professor David Shinn oo hore u ahaan jiray safiirka Maraykanka ee Itoobiya, xilligana xidhiidhka caalamiga ah  ka dhiga jaamacada The George Washington University ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu aaminsanyahay  in maamul goboleedyo ka samaysma Soomaaliya aanay saamayn ku yeelanayn go’aanka madaxbanaanida ee Somaliland, aqoonsigeedana ku xidhan yahay Midowga Afrika.

Mr. Shinn ayaa sheegay in Itoobiya uga baahantahay wadamo saaxiib ah dhamaan xuduudaheeda, Somaliland-na kuwaa ku jirto,  Somalilandna ay faa’iido ugu jirto  shirka London oo uu sheegay inaanu waxba u dhimayn.

Proff. Shinn oo Maxamuud Cali Walaaleye, oo ka tirsan Wargeyska Geeska  Afrika isagoo jooga Maraykanka, wareystay maadama uu khabiir ku yahay siyaasadaha Geeska Afrika, ayuu su’aalo kala duwan oo la weydiiyey ku sheegay inaanu filayn in shirkadaha Maraykanku xilligan u soo jeedin hawlo sahamin shidaal ay ka bilaabaan Somaliya ama Somaliland. Waxaanu su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii uu ka bixiyey u dhaceen sidan:

Ilaa muddadii xukuumada Maraykanku ku dhawaaqday siyaasada laba weji leh oo Soomaaliya kula dhaqmayso, ugu yaraan waxa samaysmay labaatan maamul-goboleedyo, ma filaysaa inay faa’iido keenayso, aqoonsi-raadiska Somaliland-se maxay ka taraysaa?

Ma filayo in samaysanka maamul-goboleedyo Soomaaliya aanay wax saamayn ah ku yeelanayn go’aanka madaxbanaanida Somaliland. Midkoodna maamul-goboleedyadaasi ma doonayo madaxbanaani, haddii ay doonaana, waxaan shaki ku jirin in Midowga Afrika iyo beesha caalamku taageeri doonin codsigaa., dhinaca kale, siyaasada labada weji leh ee Maraykanku waa inay u keentaa kaalmooyin badan oo horumarineed Somaliland.

Maadama aad hore safiir ugu soo ahayd dalkaaga Itoobiya, sidaad u aragtaa xidhiidhka u dhexeeya Somaliland diyo Itoobiya?

Xidhiidhka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya wakhtigan waa mid fiican. Ugu yaraan xilligan, waa mid faa’iido u leh labadaba Itoobiya iyo Somaliland. Itoobiya waxay doonaysaa inay xuduudaheeda la wadaagto wadamo ay saaxiibo yihiin, Somaliland-na kuwaa ayey ka mid tahay. Si weyn u isticmaalka Itoobiya ee dekeda Berbera iyo iskaga gudubka badeecadaha labada dal waxuu u noqon karaa faa’iido labada wadanba.

Shirkadaha shidaalka ee Maraykanku muddo hore sahamin shidaal ayey ka sameeyeen waxii Soomaaliya la isku odhan jiray, xilligan ma ku soo laaban doonaan, sidaad u aragtaa in shidaalo ganacsi ku jiraan Somaliland ama heshiisyo cusub oo shirkado kale lala galo?

Ma filayo in shirkadaha Maraykanka ee shidaaladu wakhtigan xiisaynayaan inay dib hawlo sahamin uga bilaabaan meel ka tirsan Soomaaliya ama Somaliland. Dhab ahaan waxay u arkaan inay halis badan leedahay. Xaalada Somaliland, waan dareemi karaa inay jiraan caqabado ku saabsan sharciga iyo caymiska maadama aanay weli aqoonsi caalami ah helin.

Labaatankii sannadood ee ugu danbeeyey shacabka Somaliland waxay dalbanayeen gaadhitaanka xuquuqdooda aasaasiga ee ahaanshaha dal madaxbanaan, sidii xilligii shacabka Maraykanku u halgamayeen xornimadooda, miyaanay lahayn u garaabid, sidiinii?

Inkastoo Somaliland leedahay xukuumada ugu dimoqraadisan geeska Afrika, beesha caalamku waxay u muuqdaan kuwo go’aansaday inaanay wax talaabo ah qaadin oo ku saabsan aqoonsi rasmi ah ilaa Midowga Afrika laga helayo ogolaanshadooda aqoonsiga. Dhinaca kale waxii ka dhacay Maraykanka in ka badan 200 oo sannadood ka hor uma muuqdaan kuwo la mid ah xaalada Somaliland xilligan ku jirto.

Bisha danbe, xukuumada Ingiriisku waxay qaban doontaa shir ku saabsan Soomaaliya, oo Maraykankana lagu casuumay, sidoo kale Somaliland oo markii hore diiday ka qeybgalka shirkaa, haatan waxay muuqataa kuwo lagu riixay, fikirkaaga, ma kuu muuqataa wax fursado ah oo Somaliland ugu jirta, ka qeybgalkeeda iyo ka joogitaankeeda kee wanaagsan?

Maadama aan hore safiir u ahaa, waxaan mar walba u arkaa in wada hadalka xal ku jiro. kama hayo tafaasiil badan shirka Ingiriiska, laakiin, waxay iigu muuqataa inaanay wax hoos u dhac ah ku keenayn ka qeybgalka Somaliland ee shirkaa. Ka qeybgalayaashu kuma qasbana inay aqbalaan waxa ka soo baxa, laakiin waxay awoodaan inay wax weyn ku kordhiyaan isla markaana ka helaan inay si weyn u fahmaan kuwa daneynaya arrinkooda halka ay taagan yihiin.

Dhamaan waxaan u warhayna inaan weligeed laga ansixin Qaramada Midoobay heshiiskii is-raaca Somaliland iyo Soomaaliya, waa maxay ayaad filaysaa heshiiska midowgaasi ku tagaan yahay?

Anigu ma ihi garyaqaan, su’aashaasina waa mid ka baxsan awoodayda.

Comments are closed.