Madaxweynihii Hore Oo Hargeysa Ku Soo Jeeda

0
672

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu dhawaan dalka ku soo laabto.

Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin oo la rajaynayo inuu dalka ku soo noqdo horaanta bisha Febarwari ee soo socota, ayaa waxa uu safarkiisu ku soo beegmayaa iyadoo ay dalka ka jiraan xaalado siyaasadeed oo kala duwani oo ay ka mid yihiin maamulka lagaga dhawaaqay magaalada Taleex ee Khaatumo loo bixiyay iyo weliba Awdal State, sidoo kale waxa uu safarkiisa Hargeysa ku soo beegmayaa rayaale-dhinaciyadoo uu Ingiriisku sheegay inuu shir u qabanayo Somalida oo uu cadeeyay inuu Somaliland ku martiqaaday kaas oo isna ka mid ah arrimaha culus ee ku soo kordhay siyaasadda dibadda ee Somaliland.

Marka laga tago xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxa kale oo uu socdaalkiisu ku soo beegmayaa iyadoo uu khilaaf laba garab ahi ka dhex taaganyahay xisbiga UDUB, waxaanay wararku sheegayaan inay ujeedadiisa u weyni tahay xalinta khilaafka xisbiga uu guddomiyaha ka yahay ka dhex taagan oo ay dad badani aaminsanyihiin haddii aan deg deg loo xalin inuu xisbiga halis gelin karo.

Si kastaba ha ahaate, waxa la arki doonaa sida uu Madaxweynihii hore arrimahan uga hadlo iyo weliba talooyinka uu ka dhiibto.