Waqti Baa Jiray Uu Sharciga Maraykanku Ogolaa In Carruurta Boosta La Isugu Diro

0
201

Washington (Geeska)- Bilowgii bishii koowaad ee sannadkii 1913 kii, ayaa ay xarunta boosta ee dalka Maraykanku bilowday in ay qabato adeegga qaadista dhambaalada iyo waraaqaha ay dadku isu dirayaan. Waxaa dadka Maraykan markii ugu horreysay taariikhda loo ogolaaday in ay boostaas ku diri karaan alaabooyinka uu miisaankoodu ka badan yahay 4 rodol, iyada oo mar kasta oo miisaanku kordhana ay ay hoos u dhacaysay Lacerta laga qaadayaa.

Intii aanay boostu shaqadan bilaabin, dadka Maraykanku waxa ay alaabooyinka ay isu dirayaan u dhiibi jireen shirkado gaar loo leeyahay oo lacag ka qaata.

Markii uu adeeggani bilowday waxa ay dadka Maraykan bilaabeen in ay waxyaabo badan oo qaarkood qofka maanta maqla la yaab ku noqonayaan isugu diraan boostan. Waxaa ka mid ahaa beedka digaagga, sibidhika iyo birta, ayaa ka mid ahaa. Waxa se ugu darnaa in dad aad u badani ay adeegsiga boosta uga faa’iidaysan jireen in ay isugu diraan carruurta, oo marka la doonayo in waalidku uu ilmihiisa u diro qof kale oo qoyska ama ehelka iyo asxaabta ka mid ah oo magaalo kale jooga si uu ugu hayo, in ay boosta u sii marin jireen. Sababta ugu weyn ee ay arrintani ku suurtagashay waxa ay ahayd waqtigaas oo aanu weli dalka Maraykanka ka jirin sharci arrintaas mamnuucayaa.

Toddobaaddo kooban markii uu jiray adeegga boosta ee Maraykanku ayey gobalka Ohio ee dalka Maraykanka markii ugu horreysay ka dhacday in carruur la isugu diro boosta, waxaana ugu horreeyey lammaane wiilkooda oo miisaankiisu 11 Rodol ahaa u dhiibay boosta si loogu diro guriga ayeeyadii oo markaas u jiray masaafad hal may loo keliya ah. Waxa ay boostu qoyskan ka qaadday 15 Senti oo doolar, oo ah tigidhka yar ee lagu dhejiyo alaabada lad irayo, iyo 50 doolar oo ah adeegga qaadista wiilkan yar.

Wargeyska New York times oo arrintan ka warramay ayaa sheegay in shaqaalihii boosta ee ugu horreeyey ee isaga looga masuul dhigay in uu ilme yar qaadaa uu ahaa Vernon Lytle oo isagu ahaa ninka wiilkaas yar u qaaday guriga ayeeyadiisa loo dirayey.

Markii ay boostu ku guulaysatay iskudaygaas ay wiilka ku gaadhsiinaysay ayeeyadii, waxaa warkii si aad ah u faalleeyey, warbixino kala duwanna ka qoray wargeysyada dalka Maraykanka. Arrintaasi waxa ay dhiirrigelisay in dad badan oo Maraykan ahi ay ku dhiirradaan in ubadkooda meel kale ama cid u dirayaan ay u dhiibaan boosta. Waxa aanay boostii noqotay hab aamin ah oo ubadka la isugu diro, gaar ahaan marka uu waalidku rabo in ubadka uu u diro qoysaskooda oo uu soo booqanayo.

Dhacdadii ugu caan sanayd ee la xidhiidhay carruurta boosta la isugu diraana waxa ay ahayd, inantii yarayd ee May Pierstorff. Sagaal iyo tobankii bishii labaad ee 1914 kii, ayaa qoys deggenaa gobalka Idaho ay inantooda May oo da’deedu ahayd lix sano, waxa ay dhigeen boosta si loo geeyo guriga ayeeyadeed oo gurigeedu u jiray masaafad 73 mayl ah.

Ninkii ay boostu u dhiibtay in uu qaado inanta yar ayaa go’aansaday in si uu dhaqso ugu geeyo ayeeyadeed uu la raaco tareenka.

Markii uu faafay warka shilkii ku dhacay May Pierstorff, ayaa masuulkii haystay boosta Maraykanku waxa uu soo saaray go’aan uu ku mamnuucayo in carruurta iyo guud ahaan dadkaba lagu diro boosaha. Inkasta oo amarkan mamnuucistu soo baxay, haddana muddo ayaa ay dadku sii isticmaalayeen in ay carruurta ku diraan boosta.

Qisadan waxaa isaguna si gaar ah u xiiseeyey Michael O. Tunnel oo ka qoray buug carruureed.

Bilowgii sannadkii 1915 ayaa gabadh ku noolayd gobalka Florida ee dalka Maraykanku waxa ay boosta ku dirtay inan ay dhashay oo da’deeedu ay 6 sano jir ahayd, si loo geeyo gurigii aabaheed oo deggenaa gobalka Virginia. Inantan yar masaafadda ay boostu qaadday waxa ay ahayd 720 Mayl.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanku markii ugu dambaysay ee boosta carruur la isugu diraa waxa ay ahayd bishii siddeedaad ee sannadkii 1915 kii.  Waxa uu ahaa qoys deggen gobalka Kentucky, waxa aanay boosta ku direen inantooda Maud Smith, oo saddex sano jir ahayd, waxa ay doonayeen in la geeyo guriga hooyadeed oo xanuunsanaysay. Guriga laga qaaday iyo guriga la geeyeyna waxa ay isu jiraan 40 mayl.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.