Waftiyo Ay Hogaaminayaan Madaxda Ururka Waddani Oo U Anba Baxay Bari Iyo Galbeed

0
500

 

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, ahna Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa  shalay safar ugu baxay Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu maanta ah khudbad uga jeedin doono taageerayaasha Waddani ee Burco.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo weftigiisa oo xalay u hoyday Magaaladda Burco ayaa saaka taageerayaasha Waddani kala qayb-galaya  isku soo baxooda gabogabada u ah ololaha doorashadda, waxa Guddoomiyaha iyo weftigiisu isla-markaana ay u safri doonaan dhanka Magaaladda Oodweyne ee xarunta gobolka Daadmadheedh oo ay kala hadli doonaan taageerayaasha WADDANI oo isku soo bax balaadhan ku soo bandhigi doonaan.

Guddoomiye Cirro, ayaa Taageerayaasha Burco iyo Oodweyne u soo bandhigi doona barnaamijka horumarineed ee Musharixiinta Waddani ugu shaqeyn doonaan marka loo doorto golayaasha deegaanka ee degmooyinka kala duwan ee dalka.

Dhanka kale, Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Cali Maxamed Waran-Cadde oo ahaa musharixii madaxweynaha ee xisbiga UDUB kuna biiray urur siyaasadeedka WADDANI ayaa u ambo-baxay Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxayna maanta kala hadli doonaan taageerayaasha Waddani oo halkaasi ku soo bandhigi doona isku soo bax balaadhan oo gabo-gabo u noqon doona ololaha doorashadda deegaanka.

Sidoo kale wafti balaadhan oo ay hogaaminayaan Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee urur siyaasadeedka WADDANI Axmed Muumin Seed iyo Musharax ku xigeenkii Xisbiga UDUB Axmed Xaaji Daahir ayaa maanta kala qaybgalaya  taageerayaasha WADDANI ee Boorama iyo Saylac halkaas oo taageerayaashu ku soo bandhigi doonaan awoodooda taageero.

Waftiyada kala duwan ee u amba baxay Magaalooyinka Burco, Ceeerigaabo, Berbera, Boorama, Laascaanood, Saylac, iyo Oodweyne ayaa la kulmay qaban-qaabo xoogan oo ka socota Gobolada taas oo la filaayo in Ururka WADDANI muujiyo kalsooni balaadhan oo uu ka haysto shacbiga Somaliland eek u kala nool Gobolada Dalka.