Gobalka Geeska Afrika: Warbixin Gaaban

1
626

 

Maxamed Siyaad Barre intuu Madaxaynaha ahaa markuu cadhoodo wuxuu ku khud badayn jiray dal waan ka tagayaa.   dawlad se  kama tagi doono .Somalia waxay noqotay dawlada keliya ee taariikhda casriga burburtay oo   gobalo u kala googooday (Failed State).  

Maxamed Siyaad Barre intuu Madaxaynaha ahaa markuu cadhoodo wuxuu ku khud badayn jiray dal waan ka tagayaa.   dawlad se  kama tagi doono .Somalia waxay noqotay dawlada keliya ee taariikhda casriga burburtay oo   gobalo u kala googooday (Failed State).

Waqtigii Siyaad Barre hadalkaa odhan jiray labaatan sano ayaa laga joogaa. Somaliland iyo dawlad gobaleedyo, sida Putland iyo Galmudug Koonfurna dhawar Dawladood oo ku meel gaadh ahaa  ayaa loo dhisay lakiin may taabo galin.

 Waxaan se rajaynayaa tan u danbaysay ee dhawaan  Xamar lagu dhisay inay waarto oo  noqoto tii Somalia ku degi lahayd.

Waxaan  qawad sanahay tobanka wasiir ee xukumadaasi ka kooban tahay ay  laga maarmaan  tahay in la kordhiyo oo ugu yaraan sideed iyo toban ama labaatan  wasiir la magacaabo, Wasiiro Dawlayaasha iyo Wasiiro ku Xigeenada waa la yareyn karaa.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud  aqoon uma lihi , laakiin Raysal Wasaare Saacid Faarax Garaad waxaan xusuusanahay inuu America wax ka baran jiray uu kharshka Jaamacda ka bixin jiray walaalkii ka wayn Adan Faarax Garaad, oo marna aniga igala shaqayne jiray Safaaradii Somalia ee Qarmada Midoobay, markii danbana Safiirkii Somalia ee Djibouti ahaa. Madaxaynha iyo Rayalwasaaraha waxaan ku hanablaynayaa  manaasibtaas loo doortay. Waxaanan  u rajaynayaa inay hawlahaa culus ku guulaystaan afarta sanadood ee soo socada yaga, iyo Xukuumada inteeda kalaba.

 Dawlada Somaliland  Wasiiro dhalinyaro ah oo mutacalimiin ah ayaa ku jira sida Xirisi Mahad,  Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar,iyo  Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale , iyo   Saleeban Ciise Axmed Xagla Toosiye Wasiirka Dib u Dajinta Waxaanan  ku geesinimo   galinayaa inuu kordhiyo wax qabadkiisa  .Beryahanba waxay Xaglatoosiye iyo Wasiir Xirsi-mahad ku hawlanaayeen isu soo dhawaynta beesha Buuhoodle iyo  Xukuumada. Anigoo odayaasha beeshaas ka mid ah Wasiirka waan tageersanahay.

Waxa isna ka mid ah Garaadka buuhoodle oo ah  wasiir ku xigeenka  Garaad Cismaan Garaad Soofe oo qadiyada beeshayada  nagala shaqaynaya . Wasiirada  dhamaantood waxaan ku dhiiri galinayaa inay dalkooda u hagar baxaan oo daacadnimo ugu sheqeeyaan.

 Madaxwayne Axmed Maxamed  Silaanyo waxaan kula talin lahaa inuu ka ilaaliyo xukuumadeenu  in ay ka binniisto sidii tii ka horrysay u binniistay. Doorashooyinka Dawladaha Hoose waxaan door biday inaan  ka aamusay.

Wada hadalada Somaliland iyo Somalia u socda waa laga marmaan in la sii wado si loo gaadho  heshiis umada  Somaliyeed  dan u ah. waa in aynaa raja beelin. Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele ayaa hadal hayn u leh  raja beel waa nolol la’aan .  Waa  oday Soomaaliyeed oo waayo aragnimo dheer ku leh dawladnimada. Waxaan soo jeedinayaa  Xukuumadaha Somaliland iyo Somaliya inay la tashadaan.

 

 Oday Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)

 

Comments are closed.