Sheekh Aadan-Siiro Oo Ku Baaqay In Cadaaladda La Sugo Maalinta Doorashada

0
493

 

siiroHargaysa( Geeska )- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Sheekh Aadan Siiro), ayaa shacbi weynaha reer Somaliland ugu baaqay inay si nabad ah u codeeyaan ilaaliyaana amniga guud.

 

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu komiishanka doorashooyinka ugu baaqay inay Caddaalada iaaliyaan, isaga oo shacabkana u soo jeediyay inay meel uga soo wada jeedsadaan ilaalinta nabadgalyadda iyo inay si wada jir ah ula dagaalamaan ku shubashada codadka Muwaadiniinta, taasi oo uu shegay unay khalkhal iyo amaan daro keenayso.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu sidan ku sheegay khudbadii salaada jamcaha, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Nabada maanta aynu haysano iyo nimcada aynu ku jirno, waxaan leeyahay waar  doorashadaas maanta jirtaa yaanay inaga daadin nimco badan ayaynu haysanaaye. Yaanay inooga daadan danbi kooban oo ka yimaada komishanka ama gudida doorashooyinka ama ka yimaada xukuumada oo laga cawdo ama dad kale oo dano kale leh, aynu ilaalino nabada inaga o dhinacyada ka taagan.”

Sheekhu waxa uu hadalkiisa ku soo gunaaday sidan  “Asalku waa Caddaalada, markaa waxaynu leenahay Komiishanka cadddlada (hala ilaaliyo), inaguna dhinacyadda aynu ka taagnaano, nin wax inoo hayaa ma jiro, inaan la isdilin ayaynu u nidhi haloo tartamo, doorashaduna arbacayda ayay dhacaysaa ILAAHAY nabadgalyo ha inagu gaadhsiiyo, dalkana nabadgalyadiisa aynu ilaalino, fowdadana hala ilaalliyo, cidii ku shubanaysaana gacanta aynu wadda qabano cidii doonto ha ahaatee, waayo haddii cid ku shubo is-tidhaahdo khalkhal ayaa ina gallaya.”