Waddani Oo Xisbiga Ka Eryay Xubintii Ka Tirsanayd Ee Xukuumadda La Saftay

0
458

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xisbiga ka saaray Mr. Axmed Maxamed Filanwaa oo xisbiga ka tirsana oo la soo saftay xukuumadda Somaliland islamarkaana eedaymo u jeediyay guddoomiye xigeenka xisbiga ahna ku simaha guddoomiyaha xisbiga.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in xubnaha guddiga fulinta ee xisbiga Waddani ay shalay isugu yimaadeen shir ay kaga wada doodeen Mr. Axmed Maxamed Filanwaa, waxaana la sheegay inay aad uga doodeen xeerka xisbiga oo ay sheegeen inuu Mr. Filanwaa ka horyimid islamarkaana uu garab istaagay xisbi kale iyo xukuumadda. Waxaanay dood iyo falanqayn ka dib ay xubnaha xisbiga ee guddiga fulintu isla garteen in xubinimadii laga xayuubiyo xubintaas oo ay sidoo kale ku eedeeyeen inuu sheegtay xil aanu xisbiga ka haynin oo ah xoghayaha arrimaha gudaha iyo nabadgelyada. Xisbiga Waddani ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u baahiyo warkan.

Mr. Filanwaa ayaa la soo saftay wasiirka arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Warancade oo xisbiyada mucaaradka ku eedeeyay inay la socdaan cadowga Somaliland. Guddoomiye xigeenka Waddani Md. Axmed Muumin Seed ayaa eedaas wasiir Warancade kaga jawaabay eed kale oo uu u jeediyay wasiirka iyo xukuumadda. Hase yeeshe Axmed Maxamed Filanwaa ayaa si deg deg ah u difaacay wasiirka arrimaha gudaha islamarkaana eedaymo u jeediyay guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani, taas oo aakhirkii sababtay in xisbigu ku anshax mariyo in xisbiga laga saaro.