Natiijada Kulan Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Safiirka Turkiga

0
460

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka turkiga u qaabilsan wadamada Somaliland & Somalia iyo weftigii uu hogaaminayey.

Kulankaas oo muddo saacado ah qaatay waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici)waxaana lagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka walaalnimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka turkiga iyo sidii ay ganacsatada Turkigu maalgashi uga samayn lahaayeen gudaha Somaliland, iyo sidii Dalka Turkigu uga furan lahaayeen Somaliland xafiis heer safaaradeed ah.

wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in safiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ay kulan is afgarad ku dhammaaday la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ballanqaadeen inay iskaashi kala samaynayaan Somaliland horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada , caafimaadka iyo dimuqraadiyadda.

Md. Biixi waxa uu sheegay in kulanka maanta la iskula qaatay in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo somalia.

Safiirka dalka turkiga oo isna dhinaciisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiri doonaan kulamo dambe oo lagu sii xoonjinayo xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan, si habboona ay somaliland ugala shaqayn doonaan dhinacyada arimaha bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha.

Safiirka iyo wafdiga dalak turkugu waxa kale oo ay xafiisyadooda kulamo kula yeesheen wasiirka Md. Mxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan.