Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doodda Qaran Oo Baaq U Diray Madaxweyne Siilaanyo, Kana Hadlay Abaabulka Shirka

0
487

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha gudida qabanqaabada shirka dood qaran ee ay xisbiyada mucaaradka ah ku hawlanyihiin Dr.Maxamed Cismaan Fadal, ayaa ka xog waramay halka ay qabanqaabadu u marayso.

Dr.Fadal waxa uu sheegay inuu la yaaban yahay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay ka hortimaado shirkan iyada oo wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen ay shirkan oo kale hore u qabteen, waxanu madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu talaabo ka qaado xubnaha xukuumaddiisa ka midka ah ee qaran dumiska ku tilmaamay xisbiyadda mucaaradka ah, isaga oo ku celceliyay inuu shirakani yahay kii ay hore u wada qabteen wakhtigii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ahaa mucaaradka ayna maanta ku hadlayaan afkii mucaaradka ee uu madaxweynuu ku hadlaayay wakhtigaas.

Ugu danbayntii waxa uu Dr.Fadal ugu baaqay madaxweynaha inuu dhacdadan ka hadlo saaxadana u soo dabaalo dhanka nabada. Waxaanu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika.

Ugu horayntii guddoomiyaha gudida qabanqaabada shirka dood qaran  Dr.Maxamed Cismaan Fadal, oo aanu waydiinay halka ay hawshii qabanqaabadu u marayso waxa uu yidhi “Gudidu illaa hadda laba wiig ayay samaysnayd, laba waji ayay leedahay qaban qaabadu inta badan, midi waa waxii farsamo ah ee gudaha shirka sida loo qaban qaabinaayo, midna waxa weeye waxii wacyi galin ah ee la xidhiidhka bulshada balaadhan, si ajanduu uu u noqdo mid midho dhal ah oo dadka oo dhan anfaca, waxaanu baahinay oo aanu si fiican u soo koobnay ujeedooyinka shirka oo afar ujeedo oo muhiim ah anagu aanu ku calaamadinay, farsadna aanu siinay waxii kale ee nalagu soo kordhinaayo ama qurba joogteena ha ka yimaadeen ama dadka dalka joogee, arintu markaas banaanka ayay taalaa oo waxa uu noqonayaa shir caadiya oo baahiyaha Somaliland ka jawaabaya ayaanu soo bandhignay, difaac badan ayaa nagaga yimi meelo badan oo xukuumaddu ugu badantahay, iyada oo nalagu eedeeyay inana shir beeleed qabanayno, tacab badan ayaanu galinay inaan sharaxno in aanu shirkani shir beeleed ahayn, waxa jira qaar heer ka sii xun ku tilmaamaya, dhinacna qaban qaabadiisii farsamada ahayd ee ajande samayntiisa,wacyigalintiisa,dhaqaale u doonkiisa ayaanu ka wadnaa dhinacna ka jawaabista shakiga la abuurayo iyo in aan loo baahnayan in cidina ay ka shakido maadama oo aanay waxba qorsoonayan, waxaanan is leenahay meela fiican ayaad ka gaadheen imika, si balaadhana gudaha iyo dibadaba waad uga wacyi galiseen.”

Dr.Fadal oo aanu su’aalnay bal sida uu u arko in shirkan ay xukuumaddu ka hor timaado, waxa uu yidhi “Arintaasi la’yaab ayay nagu noqotay, kaamu filayn, xukuumaddana waxaanu ka filaynay inay la soo jaan qaaday, warbaahinta,aqoon yahanka iyo haday tahay xisbiyadda qaranka oo ay UCID-na wakhtigaas wada mucaarad ahaayeen, Waddanina ay ku caanbaxday xisbi u tudha dalka oo aan ahayn mucaarad xagxagasho badan,arinkaasu wax yaab ah ayuu nagu noqday, markaas shirakani kaas hore loo qabtay waa mid la mid ah, shir xisbiyadda mucaaradka ay xaq u leeyahiin weeyaan, haddii shalay madaxweynaha qaranku uu mucaarad ahaa oo aanu wada qabanay oo aanan maalintaas waxba dumin waxaanu hagaajino mooyaane, oo dadkuna dadkii barigaas qabnaayay ay yahiin, afkuu ku hadlaayay madaxweynuu markii Tv-ga laga soo daayay ayaanu anaguna imika ku hadalnaa, waxaanu nidhaahnaa dawladu waa dawlad sharci ah waana laydin doortay, maandhaykiina waad wadanaysaan, anaguna xisbiyo mucaarad ah ayaanu nahay dalkana maandhayt ayaanu ku leenahay, waxii dhiman iyo waxii la kodhinaayaba xaqbaanu u leenahay in aan sheegno, markaas waxay ila tahay dadkuba waa uu arkaa, anigana layaab ayay ila tahay.”

Ugu danbayntii guddoomiyaha gudida qabanqaabada shirka dood qaran Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo aanu waydiinay fariinta uu u diraayo madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi “Madaxweyne umaddan madaxweynaheedii ayaad tahay, taariikh badana waad ku leedahay halganadeeda, ka mucaaradkuna mid umadda oo dhan kaala qaybgashay oo aan kursi doon ahayne dimuqraadiyad dhis ah,si doorashooyinku xor iyo xalaal u noqdaan,warbaahintu xor noqoto,wada tashi laga yeesho marba waxa dhiman oo uu ogyahay in  aanay ku filnayn in xukuumaddu ay tidhaahdo anagaa wax garanayna oo wax qaban karna, ee ay tahay shirkii aynu shalay qabanay, markaas waxaanu leenahay waxaanu kaa filaynaa hogaamintii wanaagsanayd ee balantu ahayd, taas oo ahayd inaad dhiiri galiso oo aad dhinacaaga qabato, in ay kuu banaantahay hadii aad wax ku darsanaysana, hadalkii ugu danbaayey ee xisbiyada qaranka lagu sheegay inay yihiin qaran dumisna inaad talaabo ka qaado, oo aad umadda u sheegto inay xisbiyadu sharci yahiin, oo ay dastuuri yihiin, in bartaad shalay joogay ay joogaan,inay dalka horumarkiisa iyo xoriyadiisa ay doonayaan, in aad taasna aad cadayso, oo aanad iska aamusin oo aan loo arikin inaad la qabto xukuumaddaadu waxyaabihii ay kula hadlaysay xisbiyada mucaaradka ah, waxaanu leenahay madaxweyne hadalkaagii wali waa uu maqan yahay, gudo iyo dibadba waxay ku wanaagsan tahay inaad saaxada nabadayso, oo aad tidhaahdo waa xaq oo waa la qabnayaa, waana laysugu imanayaa, wax wanaagsan ayaa ka soo baxaaya inaad sidaas tidhaahdo ayaanu kaa filaynaa.”