Waddani oo Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Saladiinta Beelaha Gabooye

0
574

Hargeysa (Geeska)- Xisbiga Waddani ayaa munaasibad balaadhan oo hadhimo-shareef ah ku maamuusay Salaadiin iyo Waxgarad uu hogaaminayo Suldaan Nadiif Saydh oo ka soo jeeda beesha Gabooye, kuwaas oo ka soo digo-rogtay xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Munaasibadan xisbiga Waddani uu ku soo dhaweeyey Salaadiintaasi beesha Gabooye ayaa waxa ka soo qaybgalay Siyaasiyiinta waaweyn oo ka tirsan xisbiga Waddani oo ay horkacayeen Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) iyo Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare). Ugu Horayna munaasibadaasi waxa ka hadlay Suldaan Nadiif Saydh oo isagu horkacayey Salaadiintaasi beesha Gabooye, kaas oo sidoo kale dhaliilo u jeediyey masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo xukuumada, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Odayaashan Muuse Qaabil ayaan ku idhi wuu qaabili waayey, madaxtooyadaan galay Wasiirka Madaxtooyada ayaan u galay waxaan ku idhi waar qaabil Odayaashan abaaraha oo wuu qaabili waayey, Madaxweynaha ayaan masaajidka kula tukaday gacantaan qabsaday Madaxweyne qaabil ayaan idhi odayaashan la qaabili waayey waa 17 Odaye, wuxuu igu yidhi Madaxweynuhu, Maxamuud Xaashi ayaa qaabiliye u gee, Maxamuud Xaashi oo la igu balamiyey fariin ayuu ii soo diray oo wuxuu igu yidhi ma qaabili karo, markaasaa waxaan is idhi waar dadka kaleba wuu qaabiliye ma Midguu ka ursaday oo uu is-leeyahay ha qaabilin. Waxa weeyaan maalintaasi oo aniga ay calooshaydu wareegtay oo xisbigaa Kulmiye ay nafsadaydu ka dhamaatay maalintaasay ahayd.” Ayuu yidhi Suldaan Nadiif Saydh.

Waxa kale oo Salaadiintii madashaasi ka hadlay ka mid ahaa Ugaas Axmed Iimaan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Ufbaa la yidhi qabiil, qabiil wax ma taro wax uu burburiyo maahee, maanta inagu qabiil kuma faanayno oo waynu ka xoroobaynaa. Maanta waxa aynu u guntanaynaa qaranimada Somaliland sidii aynu u badbaadin lahayn oo aynu midnimo ugu badbaadin lahayn, maanta waxa farxad ii ah inuu garabkayga yimaado Suldaan Nadiif oo in badan aanu la hadalnay oo aanu nidhi Suldaan kaalay halkan ayuu maanta xaqa lagu badbaadinayo Somaliland uu yaalaaye aniga farxad weyn ayay ii tahay inuu garabkayga yimaado oo hawsha aanu maanta meel ka wada wadno.” Ayuu yidhi Ugaas. Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Saxardiid Budeeye “Aniga horta waxaan ahaa Kulmiye qofku inuu is cadeeyaana wanaagsan, Kulmiye-na waan ka soo baxay, Waddani baan ku soo biiray, waxaanse qabaa Muuse oo reer Odowaaya, Madhibaan iyo Cali-Abokor hadii ay meeshan joogaan horta guushii waynu asiibnay” ayuu yidhi Suldaan Saxardiid Budeeye.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Garaad Yoonis Garaad Cabdilaahi Garaad Colaad, ayaa waxa uu yidhi “Waxanau ahayn salaadiintii ka tirsanayd xisbiga Kulmiye oo markii ay arkeen Cadaalada taala xisbiga Waddani, iyo markii aanu eegnay siyaasiyiintii Miisaanka ku lahaa xisbiga Kulmiye ee gobolka Gabiley ka soo jeeday ay usoo digo-rogteen xisbiga Waddani iyo cadaalada taala, Anaguna waxaanu go’aansanay in aanu ku soo biirno Xisbiga Waddani oo markaanu shuruucdiisa iyo nidaamkiisa aanu aragnay aanu ku qanacnay” ayuu yidhi Garaad Yoonis Garaad Cabdilaahi Garaad Colaad.

Gabogabadii munaasibadaasi Siyaasi Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacd) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in aanay fartooda eersan, isla markaana aanu jirin wax isbadal ahi hadii ay Kulmiye, Kulmiye ku badalaan, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Nin hadii uu seexdo oo uu soo tooso waa isagii uun, xukuumadani wixii ay dhashaa saw iyada uun maaha, haday Kulmiye dhasho waa maxay isbadalka dhacay, isbadal ma jiro waa iyadii uun oo soo noqotay, dadka waxaanu u sheegaynaa oo aanu ku waaninaynaa waar waxyarbaa hadhay ee fartiina ha eersanina waar fartiinu yaanay idin baabiinin, waar fartiinu yaanay idiin horseedin dagaalo sokeeye, Abaar, waataasoo dulmiga ninka sameeya iyo ka lagu sameeyo ee qaata uunee odhan waaya waar igala baydh, waa isku mid uun.” Ayuu yidhi Abiib Timacad oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Sidoo kale waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka tirsan xisbiga Waddani waxaanu yidhi “Beeshu maadaama oo ay garteen inay ku soo biirtaan xisbiga Waddani, meeshii xaqa ahayd ee ugu haboonayd ayuu Illaahay idin waafajiyey aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa waxa la idinka doonayaana dedaal balaadhan inaad samaysaan, anigu wixii aan halkan ka odhan lahaa Abiib ayaa ka yidhi, balse waxaan leeyahay gacantiinu yaanay idin gabin.”