Waddani Oo Eeddo U Jeediyay Wasaarada Waxbarashada Iyo Kulmiye

0
582

Hargeysa(Geeska)- Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ah, Kaaliyaha Warfaafinta ee Musharaxa Xisbiga Waddani ayaa sheegay inuu bulshada Somaliland u cadaynayo inaanay jirin wax dood ah oo lagu casuumay Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warfaafinta ee xisbiga Waddani, waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay ugu waramayey warbaahinta magaalada Hargeysa, isagoo arinkaasi ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Wixii xalay dhacay ee umadda lagu jahawareerinayey ee la lahaa Musharaxa xisbiga Waddani oo ka baaqday dood, runtii musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa ka hadlay oo bulshada Somalilandna u cadeeyey inaan wax dood oo lagu casuumay iyo cid ku casuuntay toona aanay jirin, isla markaana dooduhu ay leeyihiin hanaan loo qabto oo Wasaarad dawladeed iyo hay’add dawladeed aanay qaban karin oo hanaanka loo qabto la yaqaano.

Hay’add Warbaahineed oo telefishan ah ama hay’add kale oo cilmi baadhis ah oo lagu kalsoon yahay ha ahaatee inay hanaan sax ah usoo qaban qaabiyaan, laakiin waxa ay ahayd uun wax umadda lagu jahawareerinayey oo taariikhuhuna ay ina barayaan New Kulmiye iyo saraakiisha ina hogaamisaa siyaasadoodu ay tahay humaag iyo hiimsehiimse iyo gudcur ay ku gorfeeyaan siyaasadaha, ama ha ahaato mid tartan oo lagula jiro ama ha ahaado mid damac oo lagula jiro. Waxaad ka warqabteen hanaankii loo maray gudoomiyenimada Kulmiye oo dadka reer Somaliland ay ka dharagsan yihiin sidii loo afduubay Musharaxnimadii Kulmiye, dhamaan arimahaasi waxa ay ka turjumayaa in xalaal iftin la qashaa aanay ka muuqan, kuna dhiiran karin imana karin.

Markaa runtii umadda reer Somaliland way ka dharagsan tahay oo dood lagu soo casuumay ma jirto anaa dood diyaar u ah oo aniga ayaa shaaciyey in musharaxayagu dood diyaar u yahay mar aan Burco saxaafada kula hadlay, Anigaa ah Kaaliyihii Warbaahinta ee musharaxa, xafiiskaygana may iman casuumadi cid nala soo socodsiisayna ma jirto, cid nagu marti qaadayna ma jirto, cid musharaxa u keentayna ma jirto.

Arinta labaad bulshada reer Somaliland maanta waxay u baahan tahay arin cadd oo hufan oo xalaal ah oo tartan xalaal ah leh oo aan god-qaniin iyo humaag aan ahayn, Saraakiisha xisbiga New Kulmiye waaan ku waanin lahaa inay ummadda la hor-yimaadaan, dareen aan ahayn intii yarayd ee ay yaqaaneen ee runtii borobogaandhada hoose iyo kutiri ku teenta yare e kooban, halkaana bulshada reer Somaliland way dhaaftay waxna uma kala qarsoona, dalkani waxa uu u baahan yahay in qofka hogaaminaya si cad loo soo bandhigo, anagaana taa diyaar u ah, waxaanu leenahay musharaxa xisbiga Kulmiye, ha soo kaxaysto saraakiishiisa oo taa ha u soo diyaargaroobo, waxaana runtii layaab lahayd in goobtaasi lagu siyaasadeeyo, waxbarashadii iyo jaamacadihii, waxbarashadu siyaasad ma gasho, waxaan leeyahay waar waxbarashada ha siyaasadaynina.

Waxa lagu sheegay kulankaasi jaamacado, waxaanu ognahay in Jaamacadii Nugaal aanay joogin ee Laascaanood ee gobolka Sool, Jaamacadii Sanaag ma joogin, Jaamacadii Boorama ma joogin, Jaamacadii Burco ma joogin. Wixii meesha ka dhacayna iyo buraanburkiina waad daawan kartaan oo markhaatiyo joogay ayay leedahay oo dadka sidaa loo soo ururiyey ayay ahayd.

Markaa waxaanu leenahay anaga Wasaarad Waxbarasho nooma qaban karto dood, saddexda xisbi qarana uma qaban karto oo Institution xukuumadeed weeyaan oo Xukuumad ayay ka tirsan tahay, waa layaab ama agaasime waaxeed ha ahaado ama mid tacliin sare ah ama wasiirka ha ahaadee, Wasaaradi uma qaban karto dood ummadda u dhaxaysa, waxaanan leeyahay waar waxbarashada ha siyaasadaynina oo jaamacadaha ha siyaasadaynina, Ardayda iyo dhalinyaradeena bilaa shaqada ahi waxa ay u baahan yihiin in mustaqbalkooda wixii ku ifi lahaa loo soo bandhigo.     

Markaa wixii halkaa ka dhacay umadda waan ka tacsiyadaynayaa, beentuna lug qudha ayay leedahay oo lugta qudhiina waa kaneeco oo marka la qabto ayay dhacdaa.

Beentuna waxay ka mid tahay todobada kabaa’ir ama dambe ee la galo mida ugu daran ayay ka mid tahay oo ummadda fasahaadisa, waxaan arkayey kaadhka waxa ku qornaa Wasaarada Waxbarashada, waxa kale oo lagu lamaaneeyey laba oday oo madasha ka mid ahaa, Maxamed Xaashi oo aynu ogayn in maalmihii ugu dambeeyey hotel-lada ka lahaa Muuse raaca oo dadka qofqof ugu tagayey iyo Cabdisalaan Yaasiin oo arin meeshaba aan ka jirin ka sheegay oo yidhi Waddani-baa cudur daartay, sanad iyo badh musharaxa Waddani lamuu hadal Cabdisalaan Yaasiin, runtii arintaasina waan ka xumahay (bikuli ixtiraam) isagoo Professor-ku uu yahay nin weyn.

Markaa waxaan leeyahay waar umadda waxaan jirin yaan loo sheegin, yaan la majaro habaabinin, borobogaadhe aan meelgaadhayn oo kugu soo noqonaysana yaan ummadda loo sheegin.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.