Odayaal Reer Baki Ah Oo Cambaareeyay Xukuumadda

0
891

Baki(Geeska)-Saladiinta, cuqaasha iyo aqoonyahaynka deegaanka Baki ee ka tirsan gobolka Awdal ayaa shalay kulan ay iskugu yimaadeen demadaasi waxa ay kaga hadleen fal ka dhacay degmada Baki kaas oo ahaa in maayir ku xigeenkii degmadaasi Dayib Xasan Raage iyo gaadhi dawladu leedahay laga soo xidhay magaaladaasi laguna soo xidhay saldhiga taliska qaybta ee magaalada Borama, halkaasi oo lagu sii daayey maayirku xigeenkii lahaa isagu gaadhigaasi halka gaadhigii Gt-ga ahaana loo diray gudbiyay magaalada Hargeysa.

Gaadhigan ayaa  waxa hore u soo bixiyey wasiirkii hore ee wasaarada xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud Jibriil.

Haddaba arinta soo qabashada gaadhiga ayaa waxa ay timid  dhawaan uun markii uu xilkaasi si rasmiya ugu wareejiyey wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaashu wasiir cusub oo dhawaan uu soo magcaabay madxweyneha Somaliland.

Daweyneha magaalada Baki ayaa waxa ay arintani kag dareen celiyeen eedaymo ay u jeediyeen xukuumadda Somaliland. Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay cuqaal aqoonyahan, dhalinyaro iyo haween waxa aanay dhamaantoodba tibaxeen sida tan

“aniga oo ku hadlaaya magaca beeralayda magaalada Baki iyo dibiro weyn waxa aan halkan ka cambaareeynayaan xadhiga loo gaystay maayir ku xigeenkii degmada Baki Dayib iyo gaadhigiisii gaadhigaasi ma ahayn kaliya gaadhi ay dawlada oo kaliya ay isticmaasho waxa uu ahaa gaadhi ay shicibka la wadaagaan oo hadba qofkii tabaaleysan wax loogu qabto iyo kolba islaantii meelku foolanaysa buuraha lagaga qaado laguna geeyo xarumha caafimaadka “

Oday kale ayaa isna yidhi  “Waxa aan horta halkan hambalyo uga diraynaa waxa qabadkii balaadhnaa ee uu ka gaystay degmada Baki wasiirkii hore ee wasaarada xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamud intii uu joogay kursiga wasiir nimo; waxa uu dhamaystiray saldhigii booliska ee degmada baki gaadhiga hadda lag qaaday maayir ku xigeenka oo uu isagu soo siiyay markii hore degmada iyo gaadhi ambalaasa oo uu dhawaan MCH-ka Baki ku wareejiyey  waana wax qabad  balaadhan oo aan u hayno waan abaal uu gashaday degmada Baki ilaahay haka raali noqdee”

Oday kale ayaa isna yidhi “xukumada Somaliland iyo xisbiga kulmiye waxbaan iska weydiin doonaa waxa aan ka gali doonaa shirar aan kag arin saneyno ayaahayaga dambe ee ku sii jiritaanka xisbiga kulmiye maadaama ay kala socdaanba xukumada iyo xisbi xaakimka kulmiye Muusena waxa aan leenahay hadii aad sida ugu dhakhso badan uga qaban weydo waxa amuurahaasi oo aan aahayn kow in xukumada kulmiye nagula kacdo tacdiyada noocaasi ah oo ay hore uga horeysay in qori hooobiye ah oo yaalay guri dawladu leedahay aad tidhaahdeen waxa aan ku soo qabanay hub argagixso ah taasina xukumada iyo xisbiga kulmiye oo hore u yidhi waxa aan ka bixinaynaa jawaab ilaa hada waan idiinka fadhinaa”

Ugu dambeyntii hooyo halkaasi ku sugnayd ayaa  iyaduna  tidhi “dawlada kulmiye waan ka tashaneynaa dawladana waxa aan leenahay haddii awal kulmiye loo tirinaayey Baki hada waxba hanoogu soo hagaagin haddii gaadhigii deg deg aad noogu soo celini weydaan faraheenii markii horena isku duubnaa  imika waad kal saarteen ee sidaa ula socda”