Safiirka Ingiriiska Ee Somaliland Iyo Somaliya Oo Khudbad Macno Culus Xambaarsan Ka Jeediyay Xaflad Lagu Soo Xidhay Markab Dagaal Dushiisa

0
497

Hargeysa(Geeska)-Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Neil Wigan, ayaa shalay munaasibad lagu soo gunaanadayay tababar ay ciidamada Ingiriisku u fidiyeen ciidamada badda ee Somaliland, wuxuu ka jeediyay khudbad diblomaasiyadeed oo uu ku soo bandhigay sida ay dawladiisu ugu xidhantahay Somaliland.

Danjire Neil Wigan, khudbadaas wuxuu ku sheegay in Milatariga iyo siyaasadu yihiin laba shay oo wada socda, waxaanu sheegay in iskaashiga Milatarigu yahay cabirka iyo turjumaadda doonista siyaasadda. “Marka hore tababarkan waxa loo qaadan karaa inuu yahay mid khuseeya xagga milatariga oo keliya, laakiin waa uu ka baaxad weynyahay intaas. Waxaan jecelahay inaan soo qaato aragtidii ninkii caanka ahaa ee Jarmalka ahaa ee la odhan jiray Carl Von oo sharaxaad fiican ka bixiyay xidhiidhka ka dhexeeya iskaashiga milatariga iyo siyaasadda. Ninkaasi wuxuu sheegay hal hays caan ahayd oo ah in iskaashiga milatarigu uu yahay cabirka iyo turjumaadda doonista siyaasadda, wuxuu yidhi, “Dagaalku waa sii socodsiiinta siyaasadda oo loo adeegsaday si kale.” Ayuu yidhi Danjiruhu, isagoo intaas raaciyay, “Waxaan sidan u leeyahay waxa weeye tababarka labada toddobaad socday waa inaan loo arag barnaamij xagga difaaca ah oo keliya, laakiin wuxuu muujinayaa oo uu ka turjumayaa doonista siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee dawladda Boqortooyada Ingiriiska. Waxa kale oo uu muujinayaa xidhiidhkii aadka u fiican ee Somaliland iyo UK, waxa xaqiiq ah inay halkan inala joogaan Madaxweynihii Somaliland, wasiiro muhiim ah oo dawladda Somaliland ka socda iyo laba safiir oo British ah oo aan dhammaanteen fuushanahay Markabka “RFA Mounts Bay.” Waxay xoojinaysaa xaqiiqna u tahay rabitaanka ku saabsan xagga siyaasadda iyo diblomaasiyadda, sidoo kalena ku saabsan dedaalka xagga shaqo xoojinta ee Milatari.”

Wuxuu khudbadiisa ku soo gunaanaday sidan, “Si kastaba arrintu ha ahaate, annaga oo aad u rumaysan muhiimadda xidhiidhka labada wadan ayaa waxa loo baahanyahay iyana in laga hawlgalo iskaashi laba dhinac ka balaadhan si looga midho dhalliyo himilada loo hanweynyahay ee lagu doonayo barwaaqo iyo degenaansho goboleed lagu noolaado, gobal ahaan iyo caalam ahaanba waynu isku xidhanahay, dawladda UK waxa ka go’an oo ay wadi doontaa inay samayso wax kasta oo ay ku taageeri karto degenaanshaha mandaqadda.”