Waddani Iyo UCID Oo Cambaareeyay Saxafiyiinta Madaxabanaan Ee La Xidhay

45
619

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani ayaa canbaareeyay xadhiga xukuumaddu ay kula kacday afarta wariye ee ka tirsan warbaahinta Somaliland,waxaanay ugu baaqeen inay meesha ka saarto cabudhinta iyo hadidaada ay warbaahita iyo xoriyatul qawlka kula kacayso.

Xisbiyada mucaaradka ah waxay dhaliilo xoogan ugu soo jeediyeen arintan xukuumadda iyaga oo ku tilmaamay xukuumad doonayso inay u xuub siibato xukuumad kalitalkis ah, ugu danbayntiina waxay u soo jeediyeen inay xukuumaddu xoriyadoodii u soo celiso afartaas wariye.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumun Seed oo ugu horayntii warbaahina u warmaayay waxa uu yidhi “Waxaad Ogtihiin xukuumadda talada dalka hayse ee KULMIYE in xoog ku cabudhinayso saxaafadii madax-banaanad in cago juglayn  iyo dhibaato badan ay xukuumadu ku hayso in ilaa hadda ay xabsiga ku xidhanyihiin qaar ka mid ah warbaahintii madaxbanaanad. Siilaanyo uu  ilaabee waa saxaafadii soo saartay madaxwayne Siilaanyo ee uu kursiga ugu fadhiyo, waa Ayaan daro waana waxa laga xumaado in maanta Somaliland lagu xidhxidho saxaafada arinkaas waanu ka xunay waan arin nuqsaani ku jirto in maanta saxaafada RRU loogu cago jugleeyo,madaxwayne Siilaanyo waxa uu ku socdaa malaa inuu kaligii talisnimo wadankii ku qabsado, lakiin dalkani maanta taas ma qaadi karo diyaarna uma aha,waxa marag-madoon ah dawladii Siyaasa Bare dhibaatadii ay ku bilawday ayey dadkani udul-qaadan waayeen cago juglayn iyo ciidamo wadooyinka la dhigo Siilaanyo dadkani maanta uma’baahna.”

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Waddani Maxamed Xasan Dirir ayaa isaguna dhankisa isaga oo shirkaas jaraa’id ka hadlaaya waxa uu yidhi“Sidaas uu guddoomiyuhu sheegay waxaad lawada socotaan in wargayska Hubaal si sharciga baal marsan loogu daatay xafiiskoodii taas oo ay weerertay xukuumadda KULMIYE,markii arinkaasi dhacay Hubaal waxa ay qabatay ninka mid ah dhagar qabayaashii waxa ay gacanta ka galiyeen ciidanka booliska xukuumadda Somaliland waxa ay cadaysatay in ay weerertay wargayska Hubaal sababtoo ah waxa ay maalin cad siidayse dhagar-qabihii soo weereray wargayska Hubaal oo suuqa ay ku siidayse iyada oo aan sharciga horkeenin saxaafada madaxbanaan iyo wargayska Hubaal waxa ay ka dhiidhiyeen dhacdadaas noocaas oo kalaa ah waxa loogu abaal guday in xasbiga loo taxaabo cuntadana loo diido bulshada Somaliland waxaanu usheegayna oo aanu ugu cel-celinaynaa oo aanu dareensiinaynaa shacabka Somaliland ee dalka iska leh in Siilaanyo noqday kaligii taliye in ay xabisga ku gureen saxaafadii oo lagu leeyahay waxba ha sheegina in ay habeenkii udaadanayaan oo habeenkii nooc fawda ah ka dhexe wadaan dalka waxa intaas oo dhan kasii daran ninka kaligii taliyaha waxa uu ka xishoodaan oo nuqsaan ku noqon kara in qof xidhan udiido cuntadii waa arin Ayaan daro ah oo ay la kowsatay xukuumada Siilaanyo.”

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa isaguna dhankiisa waxa uu soo saaray war saxaafadeed uu ku canbaaraynaayo xadhiga wariyayaashaas lagula kacay warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa xoghayaha warfaafinta Yuusuf Kayse Cabdilaahi,waxaanu warsaxaafadeedkaas oo dhamays tiran uu u dhignaa sidan“Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 03/12/2013 uu war Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah ee loo geysay Wariyayaal Si Salmiya U Muujinayey Cabasho Ay Ka Qabaan Nin Horaantii Sanadkan Soo Weeraray Wargeyska Hubaal Oo Xukuumaddu Xabsiga Ka Sii Daysey Iyada Oo Aan Cadaalada La Marin Isla Markaana Aan Dhibanayaashii Wargeeska Hubaal Waxba Laga Ogeysiin

Wariyayaashan Oo Tiradoodu Tahey 4 Wariye Oo Ka Hawlgala Warbaahinta Madaxa banaan Ee Caasimada Hargeysa

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Qabaa In Xadhiga Wariyayaashani Uu Yahey Mid Lagu Sadqeynayo Xoriyotul Qawlkii Qarani 22 Sanadood Ku Soo Caano Maaley Isla Markaana Lagu Wax Yeelaynayo Nidaamkii Dimuqraadiga Ahaa Ee Aynu Dhawreyney.Xisbiga Ucid Wuxuu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah Isla Markaan Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land

Xisbiga Ucid Waxaa Uu Xukuumada Ku Waaninayaa Iney Iska Dayso Dhaqan Cusub Oo Maalmahan U Danbeeyey Miciin U Noqdey Dhaqankan Cusub Oo Ay Ka Mid Tahey Cabudhinta,Cago Jugleynta,Handidaada,Hanjaabada iyo Xadhiga Oo Ay Ku Hayso Xisbiyada Mucaaradka Iyo Saxaafada Madaxa Banaan.Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadooda Ugu Soo Celiso Wariyayaashaa Xaqdarada Lagu Xidhey Isla Markaana Raali Galin Ka Bixiso Soona Xidho ninka Ay Sharci Darada Ku Sii Deysey Ee Warkeyska Soo Weerarey Waxyeeladana Geystey.”

 

Comments are closed.