Cilmi-baadhayaal Faransiis Ah Oo Beeniyay In Yaasir Carafaat La Sumeeyay

2
681

Picture4Cilim-baadhayaasha dalka Faransiiska oo dhankooda ka waday baadhitaan ku aadan geeridii hogaamiyihii hore ee Falastiin Yassir Carafat ayaa sheegay in aanan la sumeyn hogaamiyahaasi.

Bishii lasoo dhaafay ee November ayey cilmi-baarayaasha dalka Switzerland sheegeen in ay heleen cadeynmo ah in Yassir Carafat lagu sumeeyey suntan polonium.

Bishii Agoosto ee sanadkii 2012 ayaa dib loo furay baadhitaanka geeridii Yassir Carafat, waxaana bishii November ee sanadkii hore markale dib loo soo saaray meydka marxuumka oo laga baadhiyey suntan.

Xogta ku aadan meydka Yassir Carafat ayaa loo qeybiyey sadex kooxood oo cilmi baadhayaal ah oo ka kala socday Switzerland, France iyo Ruushka.

Cilmi baadhayaasha Switzerland ayaa bishii lasoo dhaafay sheegay in ay jirka Yassir Carafta iyo dharkiisa ka heleen suntan khatar ah ee polonium.

Cilmi baarayaasha Ruushka ayaa iyagu sheegay inaysan jirin wax sun ah. Halka hada ay soo baxeyso in Faransiiskuna u sheegayo inaan jirin wax sun ah oo loo adeegsaday geeridii Yassir Carafat oo u dhintay dhiigiisa oo sumoobay.

Dhinaca kale kooxda Dowlada Falastiin uu xilsaartay baadhitaanka geeridii Yassir Carafat ayaa sheegay inay dhawaan shaacin doonaan xog ku aadan kooxdii ka qeyb qaadatay shirqoolkii loo dhigay hogaamiyahaasi waa sida uu sheegay Towfiiq Tiraawi oo ah madaxda baadhayaasha Falastiin oo la hadlay Telefishinka Falastiin 1.

Yassir Carafat ayaa ku dhintayC isbitaal ay leeyihiin ciidamada Faransiiska 11kii November sanadkii 2004, xiligaasi oo laga soo saaray xaruntiisa magaalada Ramallah oo ay markaasi ku hareeraysnaayeen ciidamada Isra’iil.

 

Comments are closed.