Faadumo Siciid Oo Xukuumadda Somaliland Ku Tilmaantay Mid Ay Dumar U Taliyaan

1
596

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda ayaa ka hor istaagtay wafti hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee UCID ka mid ah inay galaan Gobalka Gabilay, kadib markii ay ku amreen kaantaroolka Caabudla in aan aanay dhanka Gabiilay u  dhaafi karin.

Masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa ugu baaqay madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu is casilo, isla markaasna uu kursiga u baneeyo marwadiisa oo ay ku eedeeyaan inay iyadu ciidamadda amarka siisay talada dalkana goyso. Waxaanay ku eedeeyeen inay xukumadiisu tahay mid ay haween u taliyaan.

Waxa ay sida oo kale masuuliyiintani xukuumadda ku eedeeyeen inay tahay mid caban oo qabyaalad hadhaysay,waxaanay wax laga xumaado ku tilmaameen in xisbiyadii qaranka lagu hor istaago gobaladii dalka qaarkood, iyaga oo daboolka ka qaaday inay qaadi doonaan talaabooyin ad’adag oo ay arimaas kula dagaalamayaan.

Waftigan loo diiday galitaanka Gobalka Gabilay waxa hogaaminayay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen,waxaana ka mid ahaa xubno ay ka mid ahaayeen xoghayaha maaliyada ee xisbiga UCID Marwo Faadumo Siciid.

Ugu horayntii Marwo Faadumo Siciid oo ka hadashay shir jaraa’id oo waftigaasi ay wada jir ugu qabteen kaantaroolka Caabudla waxa hadaladeedii ka mid ahaa “Ujeedada safarfkani may ahayn wax kale ee waxay ahayd inaan soo booqano Gabilay,Arabsiyo iyo Wajaale,laakiin waxa ii cadaatay markii Aamina Maxamuud Diiriye ay marwada iyo wasiiradu la socdeen ee ay tidhi Faadumo Siciid ma gali karto Gabilay, maanta hadalkii ay sheegaysay ayaa rumoobay,maata Aamina Maxamuud Diiriye iyo Aamina-waris ayaa dalkan ka taliya,Axmed Siilaanyo hays casilo oo meesha ha ka soo dago gabadhiisana kursiga hawgu fadhiisato,maanta Somaliland waxay maraysaa maalin ay ciidankii u taliso marwadii koowaad oo ay tidhaahdo garoomadii kubada koobab lagama bixin karaayo, inay tidhaahdo Somaliland gobalada qaarkood ayaan la galayn,maanta way cadaatay Axmed Maxamuud Siilaanyo waa uu fashilmay,waxaanu leenahay madaxweyne waanu ka xunahay oo fartayadii ayaa qasaartay ee kursiga islaantaada uga soo daadag.”

Intaas kadib musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa isaguna dhankiisa  isaga oo dhacdadaas ka hadlaaya yidhi“Waxa loo diiday waftigii UCID kaantaroolkii Caabudla inay dhaafaan,waftigaas oo kormeer ku maraayay magaalooyinka Gabilay,Arabsiyo iyo Wajaale, waxa saaka(Shalay)  naloo soo sheegay in haweenaydii xisbigayaga garabka haweenka ka ahayd Arabsiyo xabsiga loo taxaabay,xukuumaddu cabudhintay ku samaynayso shacabka Somaliland iyo xisbiyadii mucaaradka ahaa ee dastuurku siiyay inay mucaarad noqdaan waa mid ayaan daro ah,xukuumaddii KULMIYE ee shalay lahayd dalka horumar ayaanu gaadhsiinaynaa maanta halkaas ayay marayaan,waxay amrayaan inay yidhaahdaan yaan koontarooladii la dhaafin, madaaradii yaan la galin ka qaadan mayno tan tii  hore ayaanu ka qaadanaye,maanta laga bilaabo wax allaale iyo waxii ay mucaaradad iyo balaayo samayn jireen waanu samaynaynaa, markii ay gaadiidkii noo diideen ayaanu nidhi waanu lugaynaynaa, lugtii ayay xataa noo diideen waa ayaan daro oo halkaa ayay maanta maraysaa,dalkii fawdo,qabyaalad xun iyo eex ayaa ka socota,boob aad u faro badan iyo dhac ayaa ka socda, hogaankii ugu sareeyay dalka ayaa guryo ka dhisanaaya dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, casuurtii laga soo ururiyay islaamaha ayaa lagu tagri falayaa, Somaliland intay jirtay waa markii ugu horaysay ee aynu noocan oo kale aragno ee xisbiyo mucaarad ah oo sharciya la yidhaahdo ma socon kartaanba, waxaanu u sheegaynaa shacabka Somaliland dalkii waa fawdo, waxa ka taliya qaar caban oo qabyaaladi iyo nacayb ka buuxo,Gabilay waa gobalkaanu u dhalanay cidna uga habran mayno inaan tagno,markaanu doonana waanu tagaynaa,laakiin aad ayaan uga xumahay in Somalilandtii horumarka laga filaayay ay maanta halkaas marayso.”

 

Comments are closed.