Wada Hadalo U Bilaabmay Maamulka Puntland & Kooxda Khaatumo Iyo Dareenka Xukuumadda Somaliland

3
643

Picture6Taleex(Geeska)-Madaxda maleeshiyaadka Khaatumo ayaa wada hadalo la bilaabay maamul goboleedka Puntland, waxaanay magaalada Taleex kulamo kula yeesheen Madaxweyne xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire, oo halkaas safar ku yimid.

Maamulka Khaatumo, gaar ahaan garab uu horkacayo Axmed Karaash, oo ka mid ah madaxweynayaasha Khaatumo, ayaa doonaya inuu maamul goboleedka Puntland ka iibiyo qaybta ka tirsan kooxdaas Khaatumo si uu ugu helo taageero siyaasadeed. Madaxweyne xigeenka Puntland, wuxuu si toos ah sida ay wararku sheegeen isugu xidhay madaxweynaha Puntland iyo Mr. Axmed Karaash oo Puntland hore xil uga qabtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Faroole doonayo inuu Mr. Axmed Karaash ka dhigto madaxweyne xigeen, maadaama oo sida la filayo aanu Cabdisamad Cali Shire mar dambe isu soo sharixi doonin madaxweyne xigeenka Puntland.

Xukuumadda Somaliland way la socotaa xidhiidhkaas wada shaqayneed ee dhex maraya Khaatumo iyo Puntland. Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa Wargeyska Dawan u sheegay inuu muuqdo xidhiidh cusub oo dhex maray Puntland iyo Khaatumo, “Talaabadan cusubi waxay muujinaysaa isku soo dhawaansho dhex maray maamulka Faroole iyo kooxda Khaatumo, markii hore meel ayay ka taagnayd kooxda khaatumo dhinaca Somaliland iyo dhinaca Puntland, waxaanay hore u cadaysteen in aanay wada hadal nabadeed midna la gelaynin labada maamul.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka gaashaandhigu.

Si kastaba ha ahaate, maamulka Puntland wuxuu ciyaarayaa xirfad siyaasadeed, oo uu doonayo inuu ku hanto mid ka mid ah madaxda kooxda Khaatumo ee Somaliland diidka ah.

Comments are closed.