Madaxwayne Siilaanyo Oo La Dabaaldegay 516 Arday Oo Ka Qalin-jabiyey Jaamacada CAMUUD

4
745

Picture5Borama (Geeska) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)(oo ay weheliyaan wefti balaadhan oo ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaradaha Boostada iyo Isgaadhsiinta, Beeraha, Xidhiidhka Golayaasha, Shaqada iyo Arimha Bulshada, arimaha dibadda, Madaxtooyada, Gaashaandhiga, Warfaafinta, Waxbarashada, iyo Wasiir ku xigeenada Caafimaadka iyo Qorshanta ayaa ka qayb galay qalinjabinta dufcadii 12aad ee Jaamacadda Camuud.

Xafladan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ku qalinjabinayay 516 arday oo ka kala qalinjabinayay kuliyadaha Maamulka iyo Maaraynta Ganacsiga, Waxbarashada, Beeraha, Culuunta Kumbiyuutarka, Sharciga, Ingineeriyada iyo Caafimaadka oo ay hoosyimaadaan dhawr qaybood oo ay ku jiraan Ilkaha iyo kalkaaliyayaasha, ayaa waxa si balaadhan ugu soo camiray madashii ay ku qalin jabinayeen madaxda dawlada, oday dhaqameedyo, waxgarad iyo waalidiin aad u tiro badan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isagu ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa  ee ay soo mareen ardayda oo uu sheegay inuu qaarkood mudo dheer ay soo carbinayeen, waxana uu u mahad naqay kuliyadaha Caafimaadka oo uu sheegay inay sanadkan muujiyeen dadaal dheeraad ah.

Prof. Saleebaan isaga oo soo tixraacaya xeerarka qaranka, gobolka iyo degmada ee ogolaanaya in jaamacado la furto waxana uu yidhi "Aniga oo tixraacaya xeerarka kala hooseeya ee ogolaanaya in jaamacado la furo, aniga oo ku kalsoon warqaddii ay soo qortay diiwaan hayaha guud ee jaamacadu kuna sheegaysay inay ardaydan dhamaysteen dhamaan waajibaadkii waxbarasho ee ay ku xidhnayd qalinjabintoodu, isla markaana hubiyay warqadda uu ku lifaaqay gudoomiye ku xigeenka jaamacada ee dhinaca waxbarashadu, waxa aan halkan ka sheegayaa in maanta (shalay)oo uu madaxwaynehii Jamhuuriyadu nala joogo inaan idin gudoonsiinayo oo aad mutaysateen Degree-yada iyo Diploma-yinka aad takhasuska ku tihiin, sidaasi aawadeed waxii xaq iyo xuquuq ah ee aad leedihiin qaranka ayaad ku leedihiin, wixii waajibaad ah ee idin saarana idinka ayaa la idinku leeyahay"

Gudoomiyaha Ardayda ee Jaamacadda Camuud, kana mid ahaa ardayda qalinjabinaysay,Cabdinaasir Daahir Cige ayaa waxa uu sheegay inay u tahay maalin wayn, oo ay ka midho dhaliyeen tubtii dheerayd ee waxbarashada isla markaana ay waalidiinta, masuuliyiintii jaamacadda, macalimiintoodii iyo madaxda qarankuba ay  la wadaagaan farxadan

Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo Badhasaabka Awdal Cabdoo Aayar ayaa farxad ku tilmaamay inay arkaana arday intan leeg oo ka qalinjabisa Jaamacadda Camuud.

Wasiirada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa iyaduna ka hadashay dhinaca shaqo abuurka ayaa tidhi “Ma ihi wasiirkii shaqada, balse waxaan idiin balan qaadayaa inaan si wayn uga hawl galo shaqaalaysiintiina, talaabadaasina waxa ay tahay mid aan rabno in lagu dhiirigaliyo shaqo abuurka iyo shaqaalaysiinta, meeshana looga saaro inay dhalintu u dhaqaaqdo dhinaca tahriibta"

Wasiirka Arimha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isagu noqday wasiir arimo dibadeedkii ugu horeeyay ee ka qayb gala qalin jabin ka dhacda Jaamacadda Camuud ayaa waxa uu la dardaarmay ardayda, waxana uu ku booriyay inaanay joojin tubta waxbarashada ilaa ay ka jibbo keenayaan oo ay noqonayaan kuwo waajibka qaranka iyo shacabkuba ku leeyihiin guta.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xafladaasi gabagabadeedii hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi "Waan ka soo qayb galay wax badan jaamacadda Camuud oo laga qalin jabinayo, balse waxa farxad ii ah oo aanan hore u arag arday intan dhan oo qalinjabinaysa, waxaana si gaar ah raad iigu reebay hadalladii iyo waanooyinkii la soo jeedinayay"

Madaxwayne Siilaanyo, waxa kale oo uu sheegay “Jaamacadda Camuud waxa ay tahay meel aan ku faano oo qarankan kaalin weyn kaga jirta, waana hormuudka tacliinta ee dalkeenna, waana noo farxad in aan aragno midhihii ka soo baxay, ka xukuumad  ahaana waan dhiiri galinaynaa habeen iyo maalin kor u qaadka tacliinta dalka, waxaanan mar kale u hambalyaynayaa ardayda qalinjabisay oo aan leeyahay noqda kuwo waajibka dalkiina idinka saaran garta, Eebe galaddiina ku dhaqaaqa oo dadka iyo diintaba anfaca" ayuu hadalka ku soo koobay Madaxwaynaha Somaliland Dr Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Comments are closed.