Mujaahid Xasan Guure Oo Sheegay Inay Madaxweynaha Uga Fadhiyaan Wada Tashigii Uu Ku Haystay, Cabdiraxman, Cigaal Iyo Rayaale

8
672

Picture7Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac,ayaa daboolka ka qaaday in mudaharaad ina daanweyne yahay,  haddii loo soo noqon waayo wada tashiga,waxaanu ku ee eeyay madax weyne Axmed Siilaanyo in ay wali dalka ka jiraan waxii uu ku mucaaraday saddexdii madaxweyne ee dalka soo maray oo kala ahaa Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.

Waxa uu Mujaahid Xasan Guure uu ka hadlay isbadalo uu sheegay inay ku dhaceen dhaqankii uu ku yaqaanay madaxweyne Axmed Siilaanyo,waxaanu ku nux nuxsaday inay wax kastaaba xumaanayaan haddii wadatashiga la diido,lana saxi waayo ceebo uu sheegay inay ka muuqdaan hoggaaminta dalka.

Waxa uu sidan ku sheegay gudoomiyaha Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika,waxaanu ugu danbayntii waraysigaas ku sheegay inay abaabulayaan shirka wada tashiga ee ay sheegeen inay wax ku saxayaan. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan: 

Magacii Golaha waydinkii ku badalay Madasha ma jirtaa wax iska badalay waxii marka horeba isku kiin keenay?  

Magacii aanu sidanay eray ayaanu ka badalnay waxaanan uga badalnay had iyo goor dawladaha Afrikaanka ah waxaan jirin ayay dadka ku abaabulaan inaguna waxaynu ka baranay dawladii Maxamed Siyaad Bare,markaas eraygaas Gole oo ah eray Afka Soomaaliga ka mid ah oo umadda ka dhaxeeya ayay dawladu ku murantay buuq badana waa ay ka samaysay dadkiina waa ay ku jaah wareerisay,waxaan filayaa aduunkii ku baxay caruur badan ayuu tahriibka ka joojin lahaa,markaas waxay nala noqotay in eraygaas Gole aan dib dadka loogu mashquulin ee aanu ku badalno Madal.iyada oo ujeedadii aanu u aasaasnay waxba iska badalin,taas oo ahayd dhibaatooyinka dalkan ka jira, ilaa iyo dawladii Maxamed Siyaad Barre, waxii uu mucaaradka ku ahaa Siilaanyo ee uu nagu hor socday markaanu Jabhada xataa ahayn iyo Kulmiye ahaynba  ee ahayd musuq maasuqa,cadaalad darada,hantida lagu tagrifalaayo,eexda shaqada oo jira maanta in laga wada hadlo.

Dawldii Cabdiraxmaan hadii ay waxba ka qaban wayday oo uu Siilaanyo sheegay oo uu la dagaalamay,ina Cigaal haddii uu dhibaatooyinkaas Siilaanyo ku sheegay oo ku mucaaraday,ina Rayaalana  hadduu ku sheegay isaguna uu maanta waxba ka qaban waayay laba arimood ayaanu mid ka filaynaa,in uu yidhaahdo waxii aan idiin sheegayay waxba kama jiraan oo been ayaan idinku soo abaabulayay  oo qoriga aan idiinku dhiibay iyo inuu yidhaado waxii way jireen laakiin markaan meesha imi ayaan si kale u arkay oo arimahu way mustafaysan yahiin,inuu balankii uu qaaday wax kaga qabto ,markaan sida ugu haboon u dhigno. Anaga waxay noola muuqataa in intii ka horaysayna ay waxba ka qaban kari waayeen isaguna aanu waxba ka qaban karin ee arinka talo laga yeesho    oo wax laga wada qabto markaan sida fiican u dhigo,Siilaanyana waa kii odhan jiray hala wada tashado qarankeena ayaa ku dhisane anaguna intii uun baanu maanta leenahay.

Waxa jiray wada hadalo la doonayay in laysugu kiin keeno idinka iyo xukuumada baryahana warkoodii waa la dhigay, xagee bay ku danbeeyeen?

Markii hore salaadiinta ayaa noo yimi, waxaany nagu yidhaahdeen dawladu waxay doonaysaa in aad wada hadashaan markaas diyaar baanu u ahayn,sidiina diyaarbaanu ugu nahay,  dhawr wasiirna way nala soo xidhidheen wax yaabahaaanu marar badan isku diidnayna waxa ka mid ah hebal badala oo hebal badala,taasina may ahayn mid meesha qabata dalkan waa la wada leeyahay iyo taladiisaba halkii baanay wada hadaladii ku xidhmeen. 

Waxaan filayaa inaad wakhti badan soo wada shaayseen madaxweyne Axmed Siilaanyo, haddaad is tidhaahdo is bar bar dhig wakhtigaas iyo intan uu talada dalka hayay maxaad odhan lahayd?

Wakhti badan ayaanu madaxweynaha wada shaqaynay, waliba saddex sano ayaan gudigii fulinta ee wakhtigii jabhadana aan ka mid ahaa,gudidaa fulinta oo u dhigmaysay golahan wasiirada ,Axmedna waan garanayaa oo wax badan ayaa wakhtigan iska badalay waxii aan ku aqaanay, Axmed waxa uu ahaa nin dadka dhagaysta,musuqa kumaan aqoon,laakiin hadda waa lagu xantaa,talada inuu gooni u goosto kumaan aqoon laakiin hadda waa lagu xantaa,waxyaabaha  sida cad isku badalay waxa ka mid ah waxa uu ahaa nin cod kar ah oo dadka qancin kara, marka uu halkaas isa soo taago  xataa hadday boqol qof oo soo hor fadhiya yahiin mid kastaana gaarkiisa dood ugu soo gudbiyo gaarkiisa ayuu ugu jawaabi jiray wax badana kama lumi jirin,laakiin hada Axmed oo warqad wax ka akhriyaya  oo waliba gama gama’leh ayaan arkay.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo aanu waraysanay waxa uu sheegay in ay mudaharaado abaabulayaan  haddii  xukuumadu ay aqbali waydo wada tashiyada oo sida aad sheegtay ah wadada ay  Somaliland ku soo caano maashay,idinka ka madasha wada tashiga ahaan siday idiinla muuqataa?

Kolay iyo kolayba haddii wad hadal la diido wax ka xun ayaa yimaada,maaha Faysal uun inuu yidhi ee waa wax dabiici ah,dawladii Siyaad waxynu ku dagaalanay ee dalkani ku burburay madaxweyne cid dhageysan waaya,waxa dadku ay ka mudaharaadaan marka codkooda la dhagaysan waayo,wax walba waxa ka horeeya waar dalkan waa la wada leeyahaye aan ka wada tashano,haddii lays dhagaysan waayo laakiin waa dabiici inay wax waliba dhacaan mase jecli inay halkaas  gadho,madaxweynaha haatan taariikhda ayay ugu jiraan muharaadadu.  Axmed Siilaanyana waa kii hogaaminayay mudaharaadada hadduu leeyahay kursiga ayuun baan ku doonayay oo markaan qabsado lama mudaharaadayo waa tii uu uu shalay baneeyay waana la mudaharaadayaahadduu wax dhagaysan waayo.

Ugu danbayn goormaad ku wadaa shirkan wadatashiga ee aad doonaysaan inaad qabataan, Se ma doonaysaan in shirkaas xukuumadu ay idinla wadaagto?

Sida ugu khasaha badan ayaan u abaabulaynaa haddana waanu wadnaa,cid ka mabnuuc ah imaanshahiisuna ma jirto, xukuumadana waxaan jecelnahay inay ka soo qayb gasho waayo iyada ayaa hayasa midida daabkeedii waana halkii ay wax ka hagaagayeen,sida ugu haboona waa xukuumada oo iyadu hoggaamisa, Axmed Siilaanyo waa tii uu ku doodi jiray ee uu ku haystay Rayaale,waa tuu Cigaal ku hayastay ee uu Cabdiraxmaan Tuur ku haystay tii uun baanu waydiinaynaa. 

Comments are closed.