Wada Hadaladii U Socday Labada Guddi Ee Golaha Wakiilada Oo Burburay Iyo Xukuumadda Oo Lagu Eedeeyay Inay Khilaafka Masuul Ka Tahay

0
489

Picture6Hargeysa(Geeska)-Waxa gabi ahaanba burburay wada hadalkii u socday labada dhinac ee golaha wakiilada, iyada oo ay ka heshiin kari waayeen khilaafkii golahaas oo muddo laba todabaad ku dhaw hadda taagnaa.

Labada guddoomiye ee labadan dhinac ee is hor fadhiyay ayaa si rasmi ah warbaahinta ugu sheegay in ay xal kama danbays ah gaadhi kari waayeen, waxaanay xal ka gaadhista khilaafkan dib ugu celiyeen golaha guurtida oo markii hore iyagu dhexdhexaadinaayay golaha wakiilada.

Xildhibaanada la dhinaca ah guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay arrimaha golaha iyadu ka talinayso, gudidii ay la fadhiyeena ay ahaayeen kuwo wax loo yeedhinaayo,sida oo kale garabkii watay mooshinka lagu dhimaayay codadka lagu ridi karo guddoomiye Cabdiraxmaan ciro ayaa iyaguna dhankooda iska difaacay eedahaas.

Ugu horayntii Cabdiraxmaan Ismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo ahaa gudddomiyaha garabka mooshinka watay oo ka hadlaayay burburka wada hadalkaas waxa uu yidhi“Sida aad ula socoteen laga bilaabo 11-kii bishan iyo 15-kii waxa fadhiyay labadii dhinac ee golaha ka kala socday ee arinka ku muransanaa ee qolo ka mid ah mooshinku ka yaalay qolada kalena ay ka soo horjeeday,afartaas cisho waxaanu ku jirnay arimhii ay doodaasu ka dhalatay, ajandii ayaanu ku heshinay,in doodii la soo gunaanado ayaanu maantana(Shalay) u fadhinay, nasiib daro waanu gaadhi kari waynay qaraar, anaga oo markii hore golaha guurtida ka codsanay anaguna isku qancinay in aan furano odayaasha guurtida oo xal kama danbays ah aanu gaadhno,runtii waanu gaadhi kari weynay oo xalku waxa uu noqday inaan guuritdii u yeedhno oo aanu arintii u dhiibno, waxaanu rabnay inaanu idin furano laakiin waanu idin furan kari waynay idinka ayuuna Alle idinka weelay inaad hawshaas gashaan, sidaas ayaanu arinkii ku wareejinay sagaalka subaxnimo ee bari ayaanu halkan ku balansanahay in waxii laysku kordhinaayana laysku kordhiyo,wada jirna waanu ugu yeedhnay guurtida.”

Sida oo kale waxa isaguna burburka wada hadalkaas ka hadlay xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ahaa gudoomiyaha gudidii mooshinkaas ka soo horjeeday waxaanu si kooban u yidhi“Jawigu guud ahaan waa uu fiicnaa meelo badan ayaanu wax isla dhignay,wax badan ayaanu ka wada hadalnay oo wakhti badan nagu qaatay,laakiin gabo gabadii waxaad moodaa in ay waxba isku kaaya gali waayeen,labadayada guddoomiye waxaanu rabnay inaanu qancino labada dhanba,xataa fakarada kamaanu qayb qaadanayn waxaanu wax isugu soo dhawaynayno mooyaane,waxaad moodaa  xoogaa inaan riixi kari waynay, haddii aanu riixi kari waynayna waxaanu ku qasbanaanay inaan u gudbino odayashii markii hore talada golaha ka qaatay inaanu nidhaahno odayaal mar labaad soo gala,arinku halkaas ayuu marayaa odayaasha guuritduna waa kuwii Somaliland wax badan ka soo qabtay, waanu ku kalsoonay inaha aanu is galgalin kari waynay,inay is galin doonaan,waana haayad sharci ah oo u qaabilsan marka haayadaha dawladu ay isku dhacaan.”

Xildhibana Ibraahin jaamac Rayte ayaa isaguna dhankiisa arinkaas ka hadlaayay waxa uu dhaliilay guddidii ay wada hadalayeen iyo xukuumadda, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Waxani waa muran golaha lagu soo dhex tuuray mana aha mid golaha ka dhex dhashay,shalay waad ogaydeen golahu waa uu midaysnaa,khilaaf caynkaas ah kama taagnayn,khilaafka maanta yaala dibada ayaa nalagaga soo tuuray.dadku waxay heshiiyaan marka labada dhinac ee laysku saaraba ay taladu ka go’ayso oo ay waxna ka tanaasuli karaan waxna kordhin karaan,waxa muuqata qoladii aanu is horfadhiisanay in aanay talada jeebkooda ku sidan ee taladoodu ay golaha ka baxsanayd oo ay lug ku leedahay xukuumaddu, taasina dadka kama dahsoona, waxaana ka daahsonayn faragalinta tooska ah ee ay xukuumaddu golaha faraha la soo gashay waxaad ogtihiin Liverpool hanjabaadii ka soo baxaysay in laga rumeeyay,waxaad ogtihiin xildhibaanada meesha lagu ururinayay ee mooshinada lagaga saxeexayay inay ahayd guriga madaxtooyada,waxa aad ogtihiin in wasiirada loo wada diray nin walba xildhibaankii ay isku reerka ahaayeen ama ay meel qaraabo ka haayeen ama wuxuun ka dhaxeeyeen oo la lahaa ka soo saxeex mooshinkaas, arintaas oo ah faro galin qaawan oo dastuurka ka soo horjeeda.”

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Caraale oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka golaha hor keenay ee gudidan wada hadalka ayaa iska difaacay eedaha gudidooda loo soo jeediyay“Halkan markaanu isugu nimi waxaanu soo jeedinay waad aragtaan oo falaadhii aad shalay rideen ayaa idinku taala,waydinkaas golihii fadhiisan waayay shalay macaanaa,waydinkaas xukuumadda u muruxsanaaya,waydinkaa idinka oo wasiiradii bari ah golaha nala jooga, waa madaxweynii mustaqbalka, waa guddoomiyii Waddani,waxaanu ogalnahay inuu guddoomiye noo ahaado inta miskiin yar oo wasiir ah oo meel jooga gacanta lagu taagayo,waanu aqbalaynaa, saamayna way ku leeyihiin xisbiyada ileen waa ay ka soo baxeene,laakiin nin kaastaaba haka danbeeyee cod ayaanu ku kala baxnaa,waxii aanu dhignay iyo waxii golaha u yaalay saaxibaday way diideen iyaga oo aan dhawr iyo labaatan dhaafin ayay golahii oo dhan dhexda ku duubteen. Intaas waxa ii raaca maalintii koowaad waxaanu ka hadlnay waad aragtaan oo dhulkii afba dhigi wayde oo waydinkaas golahii ka cararaye si waayeelnimo ah ayaanu idiinla hadlaynaaye,waxii aad qaribteen ma ka wada hadalnaa,xeer hoosaadka aad arbushteen ma ka hadalnaa,kuraastii aad daafta dhigteen ma ka hadalnaa,42-kii aad raga ka dhigteen ma ka hadalnaa,waxa la yidhi waa go’aan gole,oo maxaad doonaysaan inaan ka hadalno?.”

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo isaguna ka tirsanaa gudidan wada hadalada ee dhanka mooshina waxa uu yidhi“Waxa meesha yaalaa waa mooshin sharci ah oo maraaya jid sharci ah oo si sharci ah ay u soo jeediyeen 57 xildhibaan oo golaha wakiilada ka tirsan,waxaanu doonaynay inaanu walaaladayo u wada codayno isagoo bilaa xanaf ah, waxa loo codaynayaana waxay tahay, ma 55 ayaynu u daynaa mise 42 ayaynu ka dhignaa,waxaanu raali ka nahay inaan u hogaansano haday 55 cod ku noqonyso ee u hoggaansama haddii 42 noqoto, Ciro isagaa xukumay in kuwii isaga ku xigay laga dhigo 42  ee xaakin naftaadii xukun, waxaanu leenahay adigaa sidan xukumay ee aqbal.”