Sida Loo Afduubay Diyaarad Ay Ethiopia Leedahay

0
521

Picture1Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka ee Itoobiya (Ethiopian Airlines) ayaa shalay la qafaashay xili ay kasoo duushay Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Diyaaradan ayaa lagu dajiyey Airporka Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana wakhti kooban la xidjay gebi ahaan dhaq dhaqaaqii duulimaadka ee Airporka Geneva.

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya Airlines, ayaa sheegtay in ay nabad qabaan dhamaan dadkii saarnaa diyaaraddaas.

Diyaaradda, waxaa saarnaa ugu yaraan 200 oo ruux, shirkadda diyaaradahana waxay sheegaytay in dhamaan ay badqabaan.

Diyaaradda waxa si lama filaan ah ula wareegay maamulkeeda kuxigeenkii Kabtankii (duuliyihii 2aad) diyaarada waday, kaasi oo la sheegay inuu ka faa’iideystay inuu la wareego diyaarada xili Kabtankii diyaarada ku jiray musqusha Diyaarada.

Kuxigeenka Kabtanka ayaa la sheegay inuu hoosta kasoo xidhay qolka diyaarada laga wado kadibna diyaarada kasoo dejiyey airporka Geneva, isagoo kadib isu dhiibay ciidamada Airporka magaalada Geneva. Duuliyahan ayaa la sheegay inuu magangelyo weydiistay dawlada Switzerland.

Ninkan diyaaradda afduubay ayay wararku sheegayaan inuu u dhashay dalka Itoobiya, waana nin dhallinyaro ah. Dawladda Switzerland ayaa sheegtay inay ninkaas maxkamad taagi doonto, laguna oogi doono afduub diyaaradeed, waxaanu mutaysan karaa ugu yaraan 20 sannadood oo xadhig ah.