Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo DIL Ku Tilmaamay Isku Dayga La Doonayo In Xil Ka Qaadista Cirro Laga Dhigo 42 Cod

0
507

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa fal dil ah ku tilmaamay isku dayga lagu doonayo in codka xil ka qaadista laga dhigo guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxaanu xukuumadda ku eedeeyay inay dabada ka riixayso mooshinkaas.

Xildhibaan Siciid, oo ka tirsan guddiga labada garab ee wakiialda ee uu wada hadalka burburay u socday, wuxuu sheegay inay garabkoodu sameeyeen tanaasulaad badan si ay xaaladda goluhu u degto balse ay garabka kale dabada laga soo riixayo.

Xildhibaanka oo saxaafadda la hadlay, wuxuu yidhi “Waxa aanu ku kala kacnay mooshin ayaa yaalay, mooshinkaas waxa uu ahaa guddoomiyaha 42 codadka lagu ridaayo hala keeno,waxii hore go’aano gole ayay ahaayeen oo wax nooga fasax ah inaanu ka hadalnaa ma jiraan,mooshinkaas ayaanu ajande ka dhiganay,garabkan naga soo horjeeda ee dhanka xukuumadda taabacsan ayaa guurtida ka codsaday inaanu gudahayaga ka wada hadalno,waxaanu is nidhi nimanku idinka shilise mar haddii ay sidaas yidhaahdeen aqbala iyagaa arinka soo dhawaynaayee,waxaan idiin sheegayaa iyagu qodabkii kamay kicin,afartii maalmood waxay noogu dhamaadeen 42 cod guddoomiyaha hala keeno.”

Xildhibaan Siciid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Anagu waanu ka kacnay wax badan anagoo qadarinayna dadweynaha buuqii iyo ugaabkii shacabigu ugaabay,saddex arimood ayaanu soo jeedinay,niman yahaw guddoomiyahaas aad 42-ka cod keenaysaan waa dil,waar dilkaas inaga daaya oo aynu nabad ka talino,labadan ay rag markii hore dilka ugu talo galeena aynu nabad kaga talino,saddexdaba aynu 55 gayno oo halkaas nabadi ha taagnaato,qudhgooyadii raga aynu ka furano taasi waa qodob,qodabka labaad waxa uu ahaa dadkeenii way yaaban yihiin oo indhii umadda ayaa inagu soo wada jeedee si nabadi u dhacdo mooshinkaasi haydiin taagnaado fasaxiina Salaasada ayaynu galaynee aynu fasaxaas galno labadaas biloodna hala kala nasto dadkuna ha dagaan oo aynu isku soo noqono mooshinkana halkii ka bilawno,qodabka saddexaadna waxa weeye haddii arinkii halkaas maraayo oo aad labadiiba diideen aynu nabad ka talino oo guurtidaasi waa golaheenii labaade hayna kala xukumaan oo qolo waliba waxii halkaas laga xukumo ha aqbasho,saddexdaas ayaanu keenay kii ugu danbeeyayna waa ay qaateen.Waxa noo muuqata in raggani ay yihiin golahayagii ayna yihiin raga 42-tanka keenay labada ku xigeen,waa raga wiig isku badalay ee xaga kale ka soo jeestay,taladuna in aanay gacanta ugu jirin ayaanu aragnay,shacbigana waxaanu leenahay indhihiina ayaa macalin ah oo tilifoonka ayaa saacad walba socda oo maxaa soo kordhaydaas ayaa la hayaa.”