Wada Hadalada Iran Iyo Maraykanka Oo La Isku Mari La’yahay

0
515

Picture3Xubin sare oo ka tirsan aqalka Senet-ka ee Maraykanka ayaa sheegay in cunaqabatayn dheeri ah ay ku soo rogi doonaan Iraan.

Hadalkan ayaa ku soo beegmayo iyadoo weli laisku mari la’yahay wadahadallada u dhexeeya Iraan iyo quwadaha dunida.

Harry Reid oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee madaxweyne Obama ayaa sheegay inay doonayaan in cunaqabatayn dheeri ah lagu soo rogo Iraan bisha soo socota.

Reid ayaa arintan shardi ugu dhigaya haddii wada xaajoodka laga leeyahay barnaamijka Nukliyar-ka ee ka socda magaalada Geneva lagu guuldaraysto.

Wada xaajoodkan ayaa u muuqdo inaan weli lagu heshiin, oo afhayeen u hadlay Iraan ayaa sheegay in arrimaha ugu muhimsan weli laisku afgaran la’yahay.

Wadammada ugu awoodda badan dunida oo uu Maraykanku ku jiro ayaa waxay doonayaan in heshiis ku meel gaar ah ay la gaadhaan Iraan.

Heshiiskan ayaa la filayaa in Iraan ay ku yarayso kobcinta maaddada Yuraaniyamta ee laga sameyo Nukliyarka. Iraan ayaa sidoo kale doonayso in laga qaado cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa horey uga codsaday aqalka Senet-ka ee Maraykanka in aanay cunaqabatayn dheeri ah ku soo rogin Iraan.

Waxaa uu sheegay in uu doonayay in fursad la siiyo wada xaajoodka u dhexeeya Iraan iyo quwadaha adduunka.

Hogaamiyaha diiniga ee Iraan ayaa sheegay in Iraan aysan marnaba ka tanaasulayn barnaamijkeeda Nukliyarka.

Ayatullah Khamaney ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu doonayo in uu xiriir saaxibtinimo la yeesho waddamada dunida oo uu Maraykanku ku jiro.

Iraan iyo Maraykanka ayaa isu soo dhawaanayay tan iyo markii la soo doortay madaxweynaha cusub ee Iraan Xasan Ruuxaani.