Baarlamaanka Somaliya Oo Kala Saaraya Xasan Iyo Saacid

0
515

Picture4Muqdisho (Geeska) – Khilaafka xoogan ee ka dhex qarxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaarahiisa Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa u gudbay baarlamaanka, waxaana mooshin ka dhan ah raysal wasaraha shir gudoonka u gudbiyay 168 xildhibaan oo saxeexay in kalsoonida lagala noqdo xukuumadda raysal-wasaaraha.

Loolan xoogan oo uu sababay khilaafka u dhexeeya Madaxwaynaha iyo Raysal-wasaaraha ayaa sababay inay kala urursadaan xildhibaanadda si midkood uu ugu danbaynta ugu guulaysto awoodda, waxayna hadda ay u muuqataa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan hantiyay xidhibaano tiro badan marka loo eego 168 xildhibaan ee gudbiyey mooshinkan ka dhanka ah Raysal-wasaarihiisa.

Wararkii ugu horeeyay ee khilaafkan Madaxweynaha iyo raysal-wasaarahiisa ka dhex qarxay ayaa lagu war helay ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka codsaday raysal wasaare Saacid inuu is casilo, balse raysal wasaare Saacid oo wakhtigaasi ka hadlay khilaafka ayaa ku tilmaamay mid sharci oo baarlamaanku awood u leeyahay inuu xal ka gaadho.

Dhanka kale, Mooshinka Khamiistii loo gudbiyey Baarlamaanka, ayaa la filayaa in toddobaadkan maanta bilowga ah doodiisa la gudo gali doono, iyadda oo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo arrimaha dartood Muqdisho ugu laabtayna la filayo inuu ka shaqeeyo sidii arrintan loo xalin lahaa.

Is qabsiga Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Somaliya ayaa ah mid aan ku cusbayan dhagaha dadka, waxaana wax caadiya iska noqday in khilaaf adagi uu kala irdheeyo Madaxaweyne iyo raysal wasaare kasta oo loo doorto dawlada Somaliya.