Sheeko Kale Keen: Dameer Iyo Faras: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

0
963

Picture2Isaga oo ka waramaya dhaqanka hoose iyo dhaqanka sare, waxa Sheek Abuu Xaamid Al-Gazali, Alla haw naxariistee, inoo sheegay in laga yaabo in dadka qaarkii isweydiiyaan, “Haddii Ilaahay banii aadamka ku abuuray dareenka iyo dhaqanka xoolaha oo kale, iyo dareenka iyo dhaqanka shaydaanka oo kale, iyo dareenka iyo dhaqanka malaa’iigta oo kale, sidee loo garan karaa dhaqankiisa dhabta ah iyo ka aan ahayn?”

Wuxu Sheekhu ku jawaabay, “Dhaqanka dhabta ah ee abuurahaa mid waliba leeyahay waa dhaqanka sare ee u gaarka ah. Tusaale ahaan, dameerka iyo farasku waa laba xaywaan oo gaadiid ah oo banii aadamku fuulo; dhaqankaana waa ka simanyihiin. Hasa yeeeshe, waxa dhaqanka dhabta ah ee farasku muuqdaa, oo dameerka ka sareeya, marka dagaal loo heensaysto. Haddii farasku dagaal geli waayo, dameer ayuu noqodaa. Sidoo kale banii aadamku wuxu kaga sareeyaa xoolaha waa garaadka iyo ruuxa. Haddii uu garaadkiisa iyo ruuxiisa si wanaagsan u adeegsan waayo, xoolo ayuu noqdaa ama waaba ka hooseeyaa!!!”