Dawladda Turkiga Oo U Muuqata Inay Ka Baxday Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Uu Maraykanku Kala Wareegay

0
1055

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay ka baxday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay muddo 8 sannadood ku siman gadhwadeenka ka ahayd.

Ma jiro war rasmi ahi oo ay dawladda Turkigu ku cadaysay inay faraha kala baxday arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin bidhaamo muuqda oo ka soo baxay dawladda Turkiga ayaa muujinaya isbedelka cusub ee dalka Turkiga.

Ugu horayn ergaygii gaarka ahaa ee Turkiga u qaabilsanaa wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya danjire Olgan Bekar ayaa bartiisa twitterka ka masaxay shaqadiisii ahayd ergayga Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu hore si cad ugu qoray, sida aad sawirka ka aragtaan.

Geesta kale danjire Olgan oo ay wehelisay agaasimaha wasaarada arrimaha dibadda Turkiga u qaabilan Afrika Nur Sagman ayaa 16 iyo 17 June waxay kulamo kala duwan  la yeesheen safiirada  Soomaaliya iyo Djibouti ee dalka Turkiga, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo arrimo gobalka khuseeya oo aanay faahfaahin. “Waxaanu ka wada hadalnay dalalkayaga iyo arrimo khuseeya gobalka.” Ayay ku tidhi qoraal ay Sagman soo gelisay barteeda twitterka oo ay kaga hadlaysay kulanka ay iyada iyo danjire Bekar la yeesheen safiirka Djibouti Aadan Cabdillaahi.

Sidoo kale kulanka ay la yeelatay safiirka Soomaaliya Jaamac Caydiid, ayaa waxay sheegtay inay ka wada hadleen arrimaha dalalkooda, iskaashiga ka dhaxeeya iyo arrimo khuseeya gobalka.

Danjire Bekar ayaa isna qoraalo la nuxur ah kuwan Sagman, wuxuu ku baahiyay bartiisa twitterka, waxaana isaga u wehelisa inuu twitterkiisa ka masaxay shaqadii uu Turkiga u qaabilsanaa ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Geesta kale Qunsuliyada uu Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay Somaliland soo gaadhsiisay dareenka taban ee ay ka qaadatay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee Djibouti.

Isbedeladan muuqda ee Turkiga ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa loo tirinayaa wada hadalka uu Maraykanku kala wareegay ee ay dhawaan martigelisay dawladda Djibouti. Labada dal ee Maraykanka iyo Turkiga ayaa waxa ka dhexeeya xifiltan siyaasadeed oo qoto dheer.

Turkiga ayaa danjire Bekar magacaabay bishii December ee sannadkii 2018, waxaanu socdaalo kala duwan ku yimid Hargeysa iyo Muqdisho.

Danjire Olgan Bekar oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo mawqifka Turkiga ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ugu qabsoomay Djibouti iyo isbedelka uu ku sameeyay xilka shaqadiisii ergaygnimo ee wada hadaladan ayaanay noo suurtogelin ka dib markiii uu ka soo jawaabi waayay farriimo aanu u dirnay.

Hase yeeshee  wada hadalkii Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u muuqda inay saqiireen oo uu kala wareegay dalka Maraykanka oo Djiboutina ugu gacan geliyay inay martigeliso.