“Waa Inaan Saddexda Dhibcood Ka Qaadana Real Madrid” Andres Iniesta

0
984

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Andres Iniesta oo shir jaraa’id qabtay ayaa kooxdiisa ku dhiiri-geliyay inay saddexda dhibcood ka xayuubiyaan kooxda Real Madrid haddii ay doonayaan inay u tartamaan hanashada horyaalka.in

Iniesta ayaa hadaladiisi waxaa ka mid ahaa “Waanu ognahay inaan u baahanahay inaan la nimaadno ciyaar tayadeedu sarayso marka aan ku ciyaarayno garoonka Bernabeu, laakiin waxaan ahaan doonaa si ka fiican sidii Barca lagu yiqiin, waxaanu nahay geesiyaal waxaan ilaashan doonaa booskayaga haddii aanan taasi samayna waxaan heli doona wakhti xun”. Iniesta oo shirkiisa jaraa’id diirada ku saarayay kulanka ay la yeelanayaan Real Madrid ayaa taageerayaashiisa kula dardaarmay inay la yiimaadan jawi ay kooxda ku kasban karaan inay guul gaadhaan.

 

 kulankaasi adag si buu yiri aan u noqono koox ay isugu mid yihiin garoonkeeda iyo midka ay martida ku yihiin.