Sir Alex Ferguson Oo Shahaado Sharafeed Qaali Ah Ka Helay Jaamacada Ulster

0
1056

SirTababarihii hore ee kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa shahaado sharafeed qaali ah ka helay jaamacada caanka ah ee University of Ulster, ka dib markii uu dhawaan ka fadhiistay ciyaarta kubada cagta.

Alex Ferguson ayaa ka fadhiistay kubada cagta xagaagii dhamaaday ka dib markii 26-sannadood oo uu ka talinaayay garoonka Old Trafford ayaa la guddoonsiiyay shahaadada Doctor of Science (DSc). 72-jirkan ayaa u duulay Nothern Ireland si uu uga qayb-galo xaflad ay ku qalin-jebinayeen arday baddan oo tiradoodu dhamayd 500 oo Arday.

Abaal-marintan ayuu ku helay inuu yahay macalinka ugu guulaha baddan kubada cagta Britain taas oo ay ku sharaftay jamacada Ulster.