London (Geeska Afrika)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in uurku uu hooyada ku keeno isbeddello muhiim ah oo dhinaca maskaxda ah, taas oo raadkeedu maskaxd hooyad ku sii jiro muddo ah ugu yaraan laba sano oo ka dambeeya uurka, isbedelladaas oo ah kuw keena in hooyadu ay u dul yeelato korinta iyo daryeelka ilmaha oo aan ka hawl yarayn uur ku sidkiisa.
Cilmibaadhis ay natiijadeeda qortay majaladda arrimahan ka faalloota ee Nature Neuroscience oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa lagu sheegay in isbedelladan ku dhaca maskaxda hooyada uurka lihi, ay saameeyaa dhismah iyo hannaank shaqo ee maskaxda, isla markaana ay saamayn ku yeeshaan maskaxd qaybaheeda qaabilsan, shaqooyinka ay ka mid yihiin, fahamka, fasiraadda doonista iyo dareenka, dabeecaddaha iwm.
Elselin Hocsema oo ka tirsan unugga daraasaadka cilmiga garashada ee qaybta caafimaadka sharciga ah ee jaamacadda Barcelona oo ku taalla dalka Spain ayaa mar ay ka warramaysay sida iyada iyo kooxda kala shaqaysay cilmibaadhistani ku heleen natiijadan waxa ay sheegtay, in tijaabadooda ay ku sameeyeen 25 haween ah oo ugub ah, kuwaas oo ay kaqaadeen shaybaadho sawir ah, intii ay uurka lahaayeen iyo haddana markii ay umuleen kadib. Wxay Elselin waxa ay sheegtay in ujeedada daraasaddu ahayd in la fahmo isbedellada maskaxeed ee uuuurku ku keeno hooyada, gaar ahaan qaybta neerfaha iyo qaabkooda shaqo.
Elselin waxa ay sheegtay in natiijada halkan uga soo baxday ay barbardhigeen natiijada tijaabo tan la mid ahayd oo lagu sameeyey, 25 nin oo19 ka mid ahi aabo yihiin 17 ka soo hadhayna aanay weli noqon iyo 20 dumar ah oo aan weli ubad dhalin, halkaas oo uu ka soo baxay farqiga weyn ee u dhexeeya gabadha uurka yeelatay iyo gabadha aan weli curan iyo haddana dhinaca kale hooyada iyo aabaha. Farqiga ugu weynina waxa uu noqday in uurku uu isbedello ku keeno maskaxda, gaar ahaan qaybta neerfayaashu ku kulmaan, iyo in ay ka dhalato saamayn dhinaca awoodda bulsho ee gabadha ahi.
Comments are closed.