Casharrada Nolosha (8): Hal-Adayg Iyo Maskax Soo Jeedda Ku Beddel Ceeb Kasta Oo Caado Kuu Noqota

0
892

Hargeysa (Geeska)- Nin xanuunsanaya ayaa beri u tegey nin aad u xikmad badna oo dadka buka siin jiray talooyin waayo aragnimo iyo xikmad ku dhisan oo si nafsi ah u daweeya dadka. Ninkani waxa uu ka cabanayey caado uu yaraantiisii bartay oo ahayd in uu suulkiisa jaqo, caadadaas oo ku noqotay ceeb dadku aad u hadal hayaan kuna dhalleeceeyaan. Laakiin uu isagu iska jari kari waayey.

Ninkii xikmadda badnaa ayaa ninkii ku yidhi, ‘Ha warwarin, waa dhibaato xallinteedu fududdahay, haddii aad taladan qaadato’ ninkii cabanayey ayaa inta uu hore u soo fadhiistay xikmaawiga hadalkiisii u dhego-raarriciyey. Laakiin talada ku soo baxday waxa ay noqotay mid aad u fudud oo aanu filaynba in ay xal u keenayso, “Ha iska deyn faro-jaqista ee halka aad suulka oo keliya ka jaqayso, ku dadaal in aad isku bed-beddesho faraha oo tii aad markii hore jaqday mid aan ahayn aad marka dambe jaqdo. Toddobaadkaas maskaxdaada oo dhan intaas ku jeedi kadibna ii kaalay” ayaa ay ku kala tageen.

Toddobaad kadibna ninkii cabanaayey waxa uu soo noqday isag oo iska daayey faro jaqistii. Kadib ninkii xikmaawiga ahaa waxa uu ninkii u sheegay in ceeb kasta oo caado noqotay la iska deyn karo haddii marka hore maskaxda lagu tababaro in ay dhugmo u yeelato waxa ay samaynayso.

Sababta ninkan u fududaysay in uu caadadan iska daayaa waxa ay ahayd isag oo marka ay naftu doonto in ay suulkii jaqdo halkii uu mark hore toos uun isaga oo aan is ogeyn afka gelinayey, uu imika bilaabay in uu is weydiiyo farta u leh jaqista, kadibna inta ay maskaxdu baraarugto odhanaysay, iskaba daa midna ha jaqin ee.