Saadaashii Michel Nostradamus Ka Sheegay Sannnadka 2017 ka Faalliyuh waa beenaale xitaa hadduu run sheego … (Q. 2)

0
986

Saadaashii Nostradamus iyo dunida maanta

1

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa saadaalaha ay dad badani aaminsan yihiin in la arkay ee uu Nostradamus Afar Qarni iyo badh ka hor sii sheegay, innaga oo si gaar ah isugu koobi doonna dhacdooyinka waaweyn, ama kuwa lahaa miisaan caalamiya oo warkoodu uu duninda ku faafay. Waxaa xusid mudan in dhacdooyinkaasi aanay u habaysayn sida ay u kala horreeyeen, iyo sida ay u kala muhiimsan yihiin midna.

1. Nostradamus waxa uu saadaaliyey in waqti lagu qiyaasay sannadka 2016ka ay dhici doonaan qaraxyo waaweyn oo gaadha daafaha gobalka Bariga Dhexe oo dhan, iyo in la waayi doono ama ay burburi doonaan diyaarado.

Sida lala wada socdo tobannkii sano ee u dambeeyey waxaa gobalkan saliidda qaniga ku ah ka dhacay is bedello aad u waaweyn iyo kacdoonno rayid ahi, sida Soomaaliya iyo Ciraaq. Afartii sano ee u dambeeyey waxaa dhacay kacdoonnadii la baxay gu’ga Carabta oo in ka badan 10 dal oo carbeed ka riday dagaallo sokeeye oo si fool xun loogu le’day, waxaa ka mid ah dalal madaxdii muddada dheer soo xukumaysay si fudud dad gadoodsani xukunka uga tureen, waxaa ka mid ahaa Bin Cali oo Tuuniisiya h iyo Mubaarak oo Masar muddo dheer u talinayey, sidoo kale waxaa ka mid ah dalal kacdoonnadu ku abuureen xiisado siyaasadeed oo degi waaya iyo colaado xanuun bdn, sida, Liibiya, Suuriya, Yemen, Masar iyo Baxrayn.

Laba sano ka hor oo ahayd 2014, waxaa la waayey diyaraddii dalka Maleesiya ee duulimaadkeedu aha 370 oo bishii sddexd ee sannadkaas xilli ay duulimaad ku jirtay ay si kedis ah uga baxday raadarka, kadibna la waayey. Waxaa isla sannadkaas dhacay in diyaarad kale uu si kedis ah ugu habsaday gantaal ay ridday Kuuriyada Woqooqi.

2. Dagaalka Ciraaq, dhamaadk dunida:

Nostradamus waxa uu saadaaliyey in dagaalka dalka Ciraaq ka dhici doonaa uu ka mid yahay caddaymaha ugu horreeya ee sheegaya in dhammaadkii dunidu soo dhowaaday. Waxaa xusid mudan in y jiraan saadaalo tiro badan oo dhammaantood ku andacooda in ay dunidu dhammaanyso waqti ah cayimayaan, ay beenowdo.

3. Guriga Cad farogelinta dunida iyo sababta colaadaha sokeeye/.

Nostradamus waxa buuggiisa laga soo dheegtay saadaal lagu macneeyey in uu jiro doono Guriga Cad iyo in Gurigaas cad cid joogtaa ay farogelin badan ku samayn doonto meelo kala duwan oo dunida ah, taasina sababi doonto mushkildo iyo xiisado siyaasi ah. Nostradamus waxa uu seheegay in guriga Cad ee Maraykan u samaysmi doonaa uu dhisi doono qorshayaal natiijadoodu ay tahay in dunidu burburto oo weliba burburkaasi uu k bilaban doono gobalka Baiga dhexe, laakiin meelo badan ku faafi dooo, colaad iyo xasarado siyaasi ahna ka dhex abuuri doono dawlado. Waxa uu Nostradamus si gaar ah u xusay in dagaalladaas oo isugu jira kuwo sokeeye iyo kuwo argagaxiso ay ka bilaabmi doonan Ciraaq, Afgaanistaan iyo dalal kale.

4. Labada cidhif ee adduunka  iyo saamaynta ay cimilada duniu ku yeelato:

Nostradamus boqollaal sano ka hor ayaa uu saadaaliyey dhacdada ay hadda dunida oo dhami ka hadasho ee la xidhiidh isbeddelka cimilada iyo saamaynta ay ku yeelatay cidhifyada woqooyi iyo Koofureed ee dunid oo hore Baraf u ahaan jiray, balse hadda uu cidhifka woqooyi bilaabay in uu biyoobo kulaylka dunid ku soo badnaya awgii.

5. Ruushka:

Nostradamus buuggiisa uu ku ururiyey saadasha dunida waxa uu ku xusayaa saadaal lagu fasiray, in Ruushku uu gacan ka geysan doono xallinta khilaafaad caalamiya.

6. Dhaqaalaha adduunka:

Sannadkii 2009kii ayaa si aad ah dunida reer galbeedka looga xusuustay Nostradamus, kadib markii dhibaatadii dhaqaalo burbur ee sannadkaas dhacday ay dad badani u sibir saareen saadaal hore oo uu Nostradamus qarniyo ka hor sheegay. Waxa se’ xusid mudan in saadaasha dhaqaalaha la xidhiidha ee Nostradamus aanay sannadkaas ku ekeyn ee sidoo kale uu saadaaliyey in sannadka 2016ka oo ah kan aynu dabayaaqadiisii joognaa uu noqon doono sannad dunida uu dhaqaale burbur badani ka dhaco, waxa kale oo uu saadaaliyey in sannadkan ay dhiman doonaan dad aad u tiro badan oo maalqabeen ahi.Nostradamus waxa kale oo uu ku xusay saadaashiisa hadal loo macnaystay in sannadka 2016 ka ay dunida ka dhici doonaan arrimo badan oo is-diiddo ah, kuwaas oo isugu jira kuwo fiican iyo kuwo xun labadaba. Waxa uu tilmaamay dhaqaalaha oo sannadkan ka hor aad hoos ugu dhacayaa uu waxoogaa soo kaban doono. Waxa kale oo uu sheegay in sannadkan ay dunidu ku jeesan doonto ka faa’idaysiga tamarta laga dhaliyo ilayska qorraxda, taas oo aad hoos ugu dhigi doonta kharashka badan ee dadka kaga baxa korontada.

Arrimaha kale Nostradamus  uu xusay in ay sannadka 2016 ka dhici doonto, balse aan la’ arag waxa ka mid ah cashuuraha oo uu sheegay in dadka reer Yurub ay diidi doonaan bixintooda, taasina ay dawladaha Yurub ku keeni doonto dhibaato maaliyadeed, oo muddo inta dadka la qancinayo ah jiitanta. Hadal ku jira buugga saadaasha Nostradamus ayaa macnihiisu yahay,

La soco…………..